Dawladda Kanada oo Qaadanaysa Qaxoontigiu ugu Badnaa Abid

Dowladda Canada ayaa ku dhawaaqday qorsheheeda ku aadan qaabilaada qaxootiga (2021-2023), waxayna sheegtay in ay bartilmaameedsan doonto heerka ugu sareeya ee qaadashada soogalootiga.

Saddexda sano ee soo socota, Canada waxay shaacisay inay higsaneyso inay soo dhaweyso oo ay deganaasha cusub oo joogto ah siiso boqolaal kun oo qaxooti ah.

Qorshahan oo ka billaabanaya Sanadka soo socda ee 2021, ayay Canada ku qaadandoontaa 401,000 qaxooti ah. Sanadka ku xigana (2022), waxay qaadandoontaa 411,000 halka sanadka 2023 ay qaadandoonto 421,000.

 

 

Qaxootigii ugu badnaa ee ay Canada soo dhaweyso oo gaadhayay in ka badan 400,000 oo muhaajiriin ah ayaa ahaa  sanadkii 1913.

 

 

Tan iyo waqtigaas kadib, ma jirin tiro intaas le’eg ama u dhow oo ay Canada dalkeeda kusoo dhoweysay.

 

 

Horaantii sanadkaan, bishii Maarso 12-keedii, dowladda Canada waxay ku dhawaaqday inay soo dhaweynayso in ka badan hal milyan oo cusub oo qaxooti ah oo helaya deganaansho rasmi ah inta u dhaxeysa 2020 iyo 2022.

 

 

Maalmo kadib, Kanada waxay ku qasbaneyd inay xirto xuduudaheeda sababa la xiriira cudurka faafa ee COVID-19.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker