Boqorkii kubadda cagta ee reer Brazil ee ‘Pele’ oo geeriyooday

Boqorkii kubadda cagta ee reer Brazil, Pele ayaa geeriyooday isaga oo da’diisu ay tahay 82 jir. Pele ayaa saddex jeer ku guulaystay koobka adduunka, isaga oo ka mid ahaa, ciyaaryahanaddii ugu wanaagsanaa ee soo mara kubadda cagta.

Pele ayaa cusbitaal ku jiray, tan iyo dhammaadkii bishii November, waxaana dhakhaatiirtiisu ay sheegeen inuu Pele, la ildarnaa xanuunka cancer-ka, iyo xanuuno kale oo ugu darsamay oo ka haleelay dhinaca kelyaha iyo wadnaha.

Bishii September ee sannadkii 2021, waxaa lagu sameeyey qaliin lagaga jarayey buro uu keenay xanuunka Cancerku.

Pele ayaa markii uu jiray 16 jir wuxuu ku biiray xulka qaranka ee dalka Brazil, isaga oo sannadkii 1958-kii ku guulaystay koobkii adduunka ee dhacay 1958. Pele ayaa illaa haatan ahaa ciyaaryahankii ugu da’da yaraa ee goal ka dhaliya tartannada koobka adduunka ee ragga.

Pele ayaa markii uu ciyaaraha ka fadhiisanayey, 92 kulan oo caalami ah oo uu saftay wuxuu dhaliyey illaa 77 goal. FIFA ayaa intaas wixii ka dambeeyey waxay ay u xulatay Pele iyo Maradona inay ahaayeen labada ciyaaryahan ee qarniga.

Qaybo ka mida warbixintan waxaa laga soo xigtay AP, AFP iyo Reuters.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker