Ololaha doorashada dalka Turkiga oo maraya heer gabo gabo ah

Madaxweyne Erdogan oo ah madaxweynaha ugu awoodda badan dalka Turkiga taladana haya, ayaa dagaal adag kula jira mucaaradka, oo isaga doorashada dhacaysa bari ay si adag ugu loolamayaan.

Kemal Kilicdaroglu, oo ah ninka ay sida weyn ay u xifaaltamaan, ayaa jimcihii kasoo hor muuqday dad badan oo taageersanaa, oo ay garab taagnaayeen isbahaysiyo ka kala socday dhinacyada siyaasadda, oo si aan horay loo arag isugu soo baxay.

Markii uu roobku ka da’ay magaalada Ankara, ayaa wuxuu wacad ku maray Kemal inuu soo celin doono “nabadda iyo dimuqraadiyadda dalka Turkiga”.

Ninka uu doonayo in codbixiyeyaashiisu ay xilka ka tuuraan Kemal 20 sano ka dib ee – Recep Tayyip Erdogan – ayuu sheegay inuu Turkiga xukunkiisa uu ku dheereeday.

Waxaa jira caqabado badan oo ay ka mid yihiin dhaqaale xumo, sicir barar baahsan, iyo musiibadii dhacday bishii February ee labada dhulgariir.

Isagoo 74 jir ah, hogaamiyaha mucaaradka, ayaa inta badan lagu tilmaamaa inuu yahay qof dabacsan.

Laakiin wuxuu khudbad aad u weyn u jeediyay dadweynihii daawanayay, oo aaminsan in tani ay tahay rajadooda ugu wanaagsan ee illaa iyo hadda, oo ay dib ugu soo celin karaan awoodda madaxweyne Erdogan, uu ka qaaday baarlamaanka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker