Wakaaladda Biyaha Hargeysa soo Bandhigtay Qandaraas Lagu Bixinayo Dhismaha Hannaanka Biyo-qaybinta Degmooyinka Caasimadda

Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa Md. Maxamed Cali Daarood, ayaa soo bandhigay qandaraas lagu bixinayo dhismaha hannaanka biyo-qaybinta loogu samaynayo gudaha degmooyinka iyo xaafadaha kala duwan ee caasimadda Somaliland.
Md. Maxamed Cali Daarood iyo saraakiil ka tirsan Hay’adaha la shaqeeya Wakaaladda Biyaha oo saxaafadda la hadlay shalay, ayaa sheegay in la baahiyey qandaraas lagu dhisayo afar xarumood oo kaydka biyaha ah, goob lagu ilaaliyo daryeelka caafimaadka biyaha iyo tuumbooyinka waaweyn ee biyaha loogu qaybinayo xaafadda Hargeysa.
“Waxa aannu shaacinaynaa bar-bilawga tartanka qandaraaska lagu bixinayo mashruuca biyo-gelinta caasimadda Hargeysa oo ay maalgelinayso dawladda Jarmalku, iyadoo dhaqaalaha iyo maamulkiisaba soo marinaysa Bangiga Horumarinta Jarmalka ee KFW, mashruucan qandaraaska lagu bixinayana waa mashruuc weyn oo lagu dhisayo afar berkadood oo waaweyn oo ka kala dhisan degmooyin kala duwan oo caasimadda Hargeysa ah, haddii ay tahay qaar laga dhisayo kaydkii hore ee biyaha Hargeysa ee Shiinaha iyo qaar laga dhisayo degmooyinka Axmed-dhagax, Maxamuud Haybe, Gacan-libaax, iyadoo ay degmo kastaaba yeelan doonto kayd u gaar ah oo biyaha loogu soo shubo, lagana waraabiyo,” ayuu yidhi Maareeyaha Wakaaladda Biyuhu.
Waxaannu intaas ku daray; “Sidoo kale, mashruucani waa mid lagu dhigayo beebabkii biyaha u qaybinayey degmooyinka iyo xaafadaha gudaha caasimadda Hargeysa, beebabkaas la doonayo in la sameeyo oo ka ugu weyn cabbirkiisu yahay 400 milimitir ilaa iyo 16 inches iyo ilaa beebkii ugu yaraa ee xaafadaha gaynayey biyaha oo cabbirkiisu yahay hal hiish (1 inche), halka sidoo kale la dhisi doono toddoba xarumood oo ah isku xidhka biyo-qaybinta (water distribution networks) oo dhererkoodu yahay 150km, kuwaas oo isugu jira beebabka waaweyn, kuwa dhexe iyo kuwa yaryarba, looguna talogalay in dhammaanba caasimadda biyaha loogu qaybiyo, taasoo meesha ka saari doonta arrintii ahayd in aanay dadweynaha reer Hargeysa si ku filan u wada helin biyaha soo gaadha caasimadda Somaliland.”
Waxa kaloo uu Maareeyuhu sheegay in mashruucan qandaaraska lagu bixinayo la doonayo in lagu sameeyo xarumo lagu ilaaliyo tayada iyo nadaafadda biyaha, waxaannu yidhi; “Xayeysiiskaas la baahiyey ee qandaraaska ah, waxa shirkadaha danaynaya laga doonayaa inay codsiga qandaraaskooda ku soo xeraystaan muddo 45 maalmood ah oo muddada uu hawada ku jirayo ah, muddadaas oo ka bilaabmaysa shalay (16 April), wuxuunna ku egyahay 2 June 2018, waxaana xayeysiiskan lagu baahiyey websites-ka ama warbaahinteena maxalliga ah, halka sidoo kale lagu faafiyey website-ka dawladda Jarmalka u qaabilsan dhinaca ganacsiga iyo maalgashiga, maadaama uu mashruucan yahay mid ay si toos ah u maalgelinayso dawladda Jarmalku.”
Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa, ayaa sheegay inuu shirkadaha laga leeyahay dalka gudihiisa ee reer Somaliland iyo kuwa caalamiga ahba ku dhiirigelinayo inay ka qaybgalaan tartanka loo gelayo qandaraaskan lagu dhisayo hannaanka biyo-qaybtina caasimadda Hargeysa, waxannu yidhi; “Iyada oo anaga (Wakaaladda) iyo Hay’adaha Jarmalka ah ee nala shaqaynayaa aannu qayb ka nahay hannaanka loo bixinayo qandaraaska mashruucan, waxaanan rajaynayaa in muddo 45 maalmood kadib ah aannu bilawno hannaanka qiimaynta shirkadaha soo codsada qandaraaska, kadibna muddo kadib oo ah ilaa dhammaadka bisha Augusta ama bilawga bisha September 2018 la bixiyo qandaraaska, shaqaduna bilaabanto, waxayna shaqadu socon doontaa oo qorshaha mashruucan lagu dhammaystirayo waa muddo saddex sanno ah, haddii Ilaahay yidhaah, waxaanna laga bilaabayaa maalinta la bixiyey qandaraaska.”
Waxa kaloo uu Maareeyuhu sheegay in mashruucan lagu dhisayo hannaanka biyo-qaybinta caasimadda Hargeysa uu yahay mid aad u ballaadhan, waxaannu yidhi; “Mashruucan qandaraaska lagu bixinayo waa mid aad u weyn, waxaanna Wakaaladda Biyaha hawshan kala shaqaynaya hay’ado laga leeyahay dalka Jarmalka, kuwaas oo si buuxda noogala shaqaynaya hawsha mashruucan, waanan ku dhiirigelinaynaa dadka reer Somaliland iyo hay’adaha dawladda in wixii kaga soo beegma mashruucan ay dhinacooda fududeeyaan, waayo Hargeysa oo waddo walba ama xaafad kasta la dhigayo beeb kuwa biyaha ah waa hawl ballaadhan.”
Saraakiil ka mid ah hay’adaha caalamiga ah ee la shaqeeya Wakaaladda Biyaha oo halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in qandaraaska lagu bixinayo dhismaha hannaanka biyo-qaybinta degmooyinka gudaha caasimadda Hargeysa uu yahay mid u furan shirkadaha reer Somaliland iyo kuwa caalamiga ahba.
Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa
Maxamed Cali Daarood,

home

Related Articles

Leave a Reply

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker