Kalgacaylku Waa Qani Caashaqa ka Qaro wayn,, Qormo Jacayl.oo aad u Xiiso Badan

Waa ay dhacdaa in xidhiidh guur ku dambeeyaa uu ku bilowdo deymo iyo aragtida koowaad, laakiin waxa marar badan dhacda in guurku guuldarraysto haddii aanay lammaanuhu meelaha qaarkood ka midaysnayn ama arrimaha qaar aanay isku aragti ka ahayn.

 

 

Shabakadda internet ka ee ‘Her Beauty’ ayaa faafisay warbixin ay ku soo bandhigtay toban ka mid ah tilmaamaha uu nin kastaa nafsad ahaan ama dareenka hoose ee niyaddiisu isaga oo aan qurux eegin jeclaan lahaa in ay xaaskiisu yeelato.

 

 

Waxaa ka mid ah tilmaamo laga yaabo in qofku uu dareemo in aanay wax xidhiidh ah la lahayn dareenka caashaqa iyo xidhiidhka lammaanaha, laakiin haddana la ogaaday in ninku uu ku xiiseeyo dumarka.

 

 

  1. Gabadha is miidaaminta taqaan.

 

Raggu waxa ay jecelyihiin dumarka nolosha sida ugu dhammaystiran uga noolaada, taas oo ay ka mid tahay in ay xitaa diyaar u tahay in ay u badheedho waayo iyo duruufo ku cusub,

 

In aanay ka baqan khatarta iyo miidaamada qaarkeed. Tusaale ahaan gabadha ku dhici karta in ay gasho ciyaaraha dalladda lagaga boodo diyaaradaha iyo buuraha dhaadheer.

 

 

Waa sababtaas ta inta badan ay raggu xiise iyo dareen kalgacal oo gaar ah ugu eegaan dumarka caanka ah, gaar ahaan dhinaca isboortiska iyo waxyaabaha adkaysiga iyo miidaamada u baahan.

 

 

  1. Gabadha fahmada badan

 

In lammaanaha qoyska ahi marar badan is khilaafaan waa arrin iska dabiici ah, laakiin mucangagnimada midkood lagu arkaa waxa ay keentaa niyadxumo iyo khilaaf burbur horseedi kara.

 

 

Culmimada cilmiga bulshadu waxa ay sheegaan in raggu ay dabeecad ahaan si gaar ah u xiiseeyaan dumarka awoodda wadaxaajood leh

 

Mar kasta oo ay wax tirsanayaan ama laga tirsanayana ku dhaca u leh gartan iyo in ay dooddeeda dhiibato,

 

iyada oo aan ka tegeyn go’aamada labada dhanba raalligelinaya. Lammaanaha guud ahaan iyo gaar ahaan gabadha oo rumaysan wada xaajoodku waxa ay faa’iido gaar ah u leedahay arrimaha muhiimka ah .

 

Ee qoyska sida barbaarinta ubadka oo inta badan ay dabeecaddani sababto in labada waalid u midoobaan aragtida ay ku barbaarinayaan.

 

 

  1. Gabadha isku kalsoon

 

 

Gabadha nafteeda ku kalsooni ee qaddarisa qiimaheeda qofnimo iyo jiritaankeeda gabadhnimo, kuna qanacsan kaalinta ay nolosha kaga jirto iyo aragtida ay xambaarsan tahay difaaceedu,

 

 

Waa gabadh inta badan raggu ay jecel yihiin, marka doonistooda hoose ee aan damaca sharka ah ku dhisnayn loo dhaadacana ku qanacsan yihiin in rug ay la wadaagi karaan.

 

Sababta ugu weynina waa in ay ogyihiin xaqiiqada ah ingabadha dabeecadahaas leh ay ku badan tahay farxadda iyo niyadwanaaggu. Taas oo ay aad ugaga duwantahay gabadha dhiggeeda ah ee aan iyadu dabeecaddan lahayn.

 

 

  1. Gabadha ninkeeda ku kalsoon

Marka laga hadlaayo xidhiidhka lammaanaha, suurtagal maaha in labada qof ee qoyska midkood kan kale 24 ka saac ilaaliyo waxa uu qabanayo iyo siraha uu sida gaarka ah u wado.

 

 

Sida oo kale hinaasaha iyo naf-doorbidku waxa uu qofka u horseedaa wareer adduun iyo murugo, sidaas awgeed waxa ay xeeldheereyaasha cilmiga bulshadu ogaadeen in nin kastaa uu hoos u jecel yahay gabadha aan ka shakiyin daacadnimadiisa.

 

 

Waa dareen ay gabadha qudheedu la wadaagto, laakiin qormadani maadaama oo ay ka warramayso ragga iyaga ayaa aynu ku koobnaanaynaa.

 

 

Shabakadda internet ka ee ‘Her Beauty’ ayaa faafisay warbixin ay ku soo bandhigtay toban ka mid ah tilmaamaha uu nin kastaa nafsad ahaan ama dareenka hoose ee niyaddiisu isaga oo aan qurux eegin jeclaan lahaa in ay xaaskiisu yeelato.

 

 

Waxaa ka mid ah tilmaamo laga yaabo in qofku uu dareemo in aanay wax xidhiidh ah la lahayn dareenka caashaqa iyo xidhiidhka lammaanaha, laakiin haddana la ogaaday in ninku uu ku xiiseeyo dumarka.

 

 

  1. Kaftan iyo furfurnaan

Xeeldheereyaasha cilmiga bulshada ee u kuurgalay dabeecadaha dumarka ee soo jiita dareenka ragga ayaa ogaaday in nin kastaa dareen kalgacal u qabo in afadiisu ay noqoto gabadh furfuran, kaftan aqoon ah, noloshana farxad iyo niyadwanaag ku eegta

 

 

Taas oo uu ogyahay in ay tahay dawo aan wax loo dhigaa jirin oo ka bogsiin karta waayaha adduun ee kadeedka badan iyo duruufaha murugada abuura.

 

 

  1. Dhaliisha dhegeysan karta

 

Fureyaasha guud ahaan xidhiidhada caafimaad qaba oo dhan waxaa ka mid ah in labada qof mid kasta oo ka mid ahi uu rumaysto xaqiiqada ah in qof dhinac kasta ka dhammays ahi aanu jirin.

 

 

Maadaama oo ay sidaas tahayna muhiim ma’aha in aad cambaarayso dhaliil kasta oo aad qofka ku aragto. Iyada oo aadamaha oo dhami uu dhaliisha necebyahay,

 

 

Xeeldheereyaasha cilmiga bulshadu waxa ay sheegeen in raggu ay si aad ah u necebyihiin ruuxa ceebahooda iyo dhaliilahooda dabagal ee ku ceebeeya.

 

Sidaas awgeed waa uu ninku jecel yahay gabadha dhaliilihiisa sida ay yihiin ugu dulqaadata ee aan ka abuurin doodo khilaaf abuura iyo dhaqanno uu u arko in ay doonayso in uu beddelo dhaliilahaas.

 

 

Waa arrin ay gabadhu marar badan ku saxantahay in ay isku daydo in ay saygeeda ku baraarujiso ceebihiisa si uu u saxo, laakiin waxaa run ah in nin kasta haddana jecel yahay in sida uu yahay lagu aqbalo,

 

Sidaas awgeed isku day kasta oo gabadhu ku dhaliisho ama cambaarayso ceebihiisu waa uu sii kala fogeeyaa lammaanaha.

 

 

  1. Dhalanteedka.

 

Naftu kama maaranto in ay mararka qaarkood isku maaweeliso humaag qurxoon oo ay mustaqbalka ku aragto,

 

Sida oo kale siima jiri karto haddii aanay runta iyo waaqaca nololeed waajahin. Laakiin inta badan ma dhacdo in labadaas qaybood ay isu dheellitirmaan,

 

Balse waxaa dhacda in mararka qaarkood qofka ay ku badato malo-awaalka iyo khayaaligu, halka kuwo kalana ku talaxtagaan dhinaca kale.

 

 

Raggu aalaaba waxa ay jecelyihiin in nolosha ay dhinaca adag ka eegaan, sheekooyinkoodana waxaa u badan ba’a ay soo mareen.

 

Sidaas awgeed waxa ay jecelyihiin haweenayda dhinaca xaqiiqada nolosha waajihi karta. Nolosha ayaa sideeda caqabado iyo carin badan, sidaas awgeed

 

Waa qasab in laga fikiro sidii loola qabsan lahaa iyada oo aan dhibaato ku noqonayn sii wadista nolosha, sidaas awgeed nin kastaa waxa uu jecelyahay gabadha nolosha runteeda waajahda.

 

 

  1. Kalgacal iyo daryeel

Abuurta ragga ayaa ah in ay jecelyihiin daryeel, koolkoolin iyo kalgacal loo muujiyo, sidaas awgeed si gaar ah ayaa uu ninku u jecelyahay gabadha dabeecadaas leh ee xitaa qoyskiisa iyo asxaabtiisu dareemaan kalgacalkeeda.

  1. Hal-abuur

Hal abuurka iyo curintu waxa ay qurxiyaan xidhiidhka lammaanahan. Tusaale ahaan gabadha hal abuurka leh ee awoodda in ay dareenkeeda ku cabbirto qoraal ama sawir waxa ay fursad weyn u haystaa in ay si dhow u kasbato qalbiga ninkeeda.

 

 

  1. Go’aan jileec

 

Noloshu maadaama oo ay caqabado iyo kadeed badantahay waxaa mar kasta qasab ah in qofku uu nafsad ahaan u diyaarsan yahay in uu go’aamo degdeg ah oo wax ku ool ah qaadan karo. Raggu waxa ay ku faanaan ama isku faaniyaan go’aan qaadasho,

 

 

Laakiin haween badan ayaa ka badiya ama la mid ah. ninku si gaar ah ayaa uu u jecelyahay gabadha awoodda u leh go’aan qaadashada. Sida oo kale waxa ay jecelyihiin gabadha ku dhaca u leh in waxa ay doonayso ay si aan gabbasho lahayn toos ugu sheegi karto.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker