Xoghayaha Arrimaha Debedda Maraykanka oo La Kulmau Madaxda Ururka Taalibaan

Xoghayaha Arrimaha Debedda Mareykanka Mike Pompeo ayaa Sabtida maanta la kulmi doona Saraakiisha  ka socda Taliban iyo dowladda Afghanistan .

 

Iyadoo ay jiraan calaamado horumar ah oo ku saabsan wadahadaladooda iyadoo Mareykanku dedejinayo in ciidamadiisa kala baxo dalka Afgaanistaan.

 

 

Wasaaradda arrimaha Debedda ayaa sheegtay goor dambe oo jimcihii ah in Pompeo uu si gooni gooni ah ula kulmi doono dowladda Afghanistan iyo kooxaha wada xaajoodka Taalibaan, iayada oo kulankaasina ka dhacayo dalka Qatar.

 

 

Pompeo wuxuu sidoo kale arki doonaa Hogaamiyaha Qatar, Emir Sheikh Tamim bin Hamad Al-Thani, iyo wasiirka Arimaha Debada.

 

 

Ninkan xilka kasii drgaya ayaa socdaal ku maraya todobo wadan oo kuyaala qaarada Yurub iyo bariga dhexe ,madaama madaxweyne Donald Trump uu mudnaanta siinayo mudooyinka dambe.

 

 

Horraantii toddobaadkan, Pentagon-ku wuxuu sheegay inuu dhawaan ka saari doono dalka Afghanistan illaa 2000 oo askari, taasoo meesha ka saaraty heshiiskii bishii February ee u dhexeeyay Washington iyo Taalibaan kaasoo lagu heshiiyey ka bixitaan buuxa oo Mareykanku Ciidamadiisa ku Daabusho dhamaan  badhtamaha 2021.

 

 

Trump wuxuu si isdaba joog ah ugu dhaartay inuu joojinayo “dagaalada daba dheeraaday” ee Ciidamadiisu  ay kaga jiraan Afgaanistaan,

 

Kan oo ahaa kii ugu dheeraa ee abid soo maray Ameerika kaasoo ka bilowday duulaan lagu doonayo in meesha lagaga saaro Taliban kadib weeraradii Sebtember 11, 2001.

 

 

Madaxweynaha la doortay Joe Biden, wuxuu sidoo kale ku ololeeyaa in lasoo afjaro dagaalka Afqanistaan ​​inkasta oo falanqeeyayaashu aaminsan yihiin in uusan noqon doonin sidii aroos dhakhso leh.


Taalibaan markii ugu horeysay waxay la hadlayaan dowlada Afghanistan.

Wadahadalladu waxay soo billowdeen Sebtember 12 magaalada Doha laakiin durba waxay isku dheceen khilaafaadyo ku saabsan ajandaha, qaabdhismeedka aasaasiga ah ee doodaha iyo tarjumaadaha diinta.

 

 

Ilo wareedyo dhowr ah ayaa u sheegay AFP jimcihii in labada dhinac ay u muuqdaan inay xalliyeen qodobada qaar, si kastaba ha ahaatee.

 

 

Qodobada ilaa iyo hadda la isku hayo, Taliban iyo dowladda Afgaanistaan ​​waxay ku dhibtoodeen inay isku afgartaan luuqadda guud iyo labbada arrimood oo ugu waaweyn.

 

 

Taalibaan waxay ku adkeysaneysaa u hogaansanaanta dugsiga xanafi ee fiqiga islaamka sunniga ah, laakiin wadahadalada dowlada ayaa sheegaya in tan loo adeegsan karo in lagu takooro dadka Hazaras, oo u badan Shiico, iyo dadka kale ee laga tirada badan yahay.

 

 

Mawduuc kale oo la isku haysto ayaa ah sida heshiiska Mareykanka iyo Taliban uu u qaabeyn doono heshiis nabadeed Afgaanistaan ​​mustaqbalka iyo sida loo tixraaci doono.

 

 

Wadahadalka nabada ee Doha ayaa furmay kadib markii Taliban iyo Washington ay saxiixeen heshiis bishii Febraayo

 

iyadoo Mareykanku ogolaaday inuu la baxo dhamaan ciidamadiisa si loogu badalo dammaanad qaad dhanka amaanka ah iyo balanqaadka Taliban inay bilaabi doonaan wadahadalada.

 

 

In kasta oo wadahadalladu socdeen, haddana rabshado ayaa ka kordhay guud ahaan dalka Afqaanistaan, iyada oo Taalibaan ay kordhisay weerarada maalinlaha ah ee ka dhanka ah ciidamada amniga ee Afghanistan.

 

 

Qorshaha Trump ee ah inuu kala baxo ciidamada ugu dambeyn Janaayo 15 – wax ka yar usbuuc ka hor inta aan loo dhaarin jagada Joe Biden xafiiska – waxaa dhaleeceeyay dadka degan Kabul oo ka baqaya inay ku dhiirigeliso Taliban inay soo saaraan mowjado cusub oo dagaal ah.

 

 

Dadka rayidka ah ee reer Afqaanistaan ​​ayaa muddo dheer ku raftay dagaalkana iyada dhibaatada ugu weyn ay tahay qaraxyada.

 

 

Saraakiisha Kabul waxay sidoo kale ka walwalayaan inay adkeyn doonto mowqifka Taalibaan ee miiska wadahadalka, halkaas oo mustaqbalka guulaha adag ee ay ka mid yihiin xuquuqda haweenka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker