Raiisul wasaarihii hore ee Somalia iyo Siyaasi CC Shakuur oo IsBahaystay

Muqdisho (OWN) – Siyaasiyiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ka hadlay kulan uu xalay gurigiisa kula qaatay ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, kaasi oo uu raali-gelin ku siiyey.

Kheyre, oo hadda ah musharax madaxweyne ayaa raali-gelin buuxda ka siiyey siyaasigii Cabdiraxmaan Cabdishakuur weerarkii ay ciidamo ka tirsan dowladda ku qaadeen gurigiisa, intii uu Kheyre madax ka ahaa xukuumadda.

 

 

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa yiri “Waxaa caawa xarunta Xisbiga Wadajir nagu soo booqday Raysalwasaarihii hore ee Soomaaliya, ahna musharax madaxweyne Md Xasan Cali Kheyre. Kheyre wuxuu cudurdaar iyo raali gelin ka bixiyey weerarkii 17 Dec 2017.”

 

 

Waxa uu ugu baaqay in mas’uuliyiinta kale ee dowladda ay ku daydaan Kheyre. “Waxaan ugu baaqaynaa masuuliyiinta kale ee dawlada ee weerarka ku lug lahaa in ay fursadan oo kale weli u furan tahay.”

 

 

Qoraalka Cabdiraxmaan Cabdishakuur kuma sheegin inuu aqbalay raali-gelinta Xasan Cali Kheyre iyo in kale, waxaana muuqata inuu si farsameysan u xusay raali-gelinta Kheyre, isaga oo aan shaacin inuu aqbalay iyo in kale.

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker