Hay,adaha qaramada Midoobay oo ka Dayriyay Xaalada Qaxoontiga Waqoo

Hey’adaha gargarka ayaa ku baaqaya in sida ugu dhaqsiyaha badan si kumeelgaadh ah xabadda Loo joojiyo gobolka Tigrey .

 

Si ay u suragasho in la gaadho dadka rayidka ah ee uu dagaalku saameeyay.

 

 

Qaramada Midoobey ayaa doonaysa in la sameeyo tub gargaarka bina’aadanimo loo mariyo dadka uu saameeyay dagaalka labada toddobaad u dhaxeeya Militariga fedaraalka Itoobiya iyo xoogagga Tigrey.

 

Boqllaal qof ayaa lagu soo waramayaa in lagu dilay dagaalada ka socda gobolka Tigrey ee waqooyiga Itoobiya.

 

 

Jimcihii dowladda waxay sheegtay inay ciidamadeed ay la wareegeen magaalooyiinka Aksum iyo Adwa.

 

 

Sidoo kale Dowladda ayaa sheegtay in xooggagii kula dagaalamayay magaalooyiinkaasi “ay is dhiibeen”.

 

 

Hasa yeeshee, sheegashadaasi ma jirto cid madaxbanaan oo xaqiijin karta, maadaama isgaadhsiinta iyo internet-ka gobolkaasi uu toddobaadkii labaad uu go’an yahay.

 

 

Magaalada Aksum ayaa ah mid ka mid ah magaalooyiinka ugu waawayn gobolka Tigrey, halka magaaalada buuraleyda ki Taalla ee Adwa sidoo kale lagu tilmaamay magaalo istaraatiji ahaan muhiim ah.

 

 

Horraantii toddobaadkan ciidamada dowladda dhexe waxay la wareegeen magaalooyiinka Shire iyo Raya.

 

 

Rai’sul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay in ciidamadiisa ay imika kus ii siqayaan caasimadda Tigrey ee, Mekelle.

 

 

Dowladda Itoobiya ayaa ilaa iyo imika diidan baaqyada ku saabsan in labada dhinac ay khilaafkooda wadaxaajood ku dhameeyaan.

 

 

Dagaalka imika socda ayaa ka dhashay xissadda muddo dheer ka dhex-taagnayd labada dhinac.

 

 

Hey’adaha gargaarka ayaan fursad u helayn in ay gaadhaan goobaha dagaalku uu ka socdo,

 

Balse waxay cabsi ka qabaan in kumannaan rayid ah laga yaabo in dagaalka ay ku dhinteen tan iyo intii uu dagaalka bilaabmay horraantii bishan November.

 

 

Ugu yaraan 33,000 oo qaxooti ah ayaa ilaa iyo imika xadka ka tallaabay oo gaadhay dalka Itoobiya dariska la ah ee Sudan.

 

 

Hey’adda qaxootiga Qaramada Midoobey ee UNHCR ayaa sheegeysa in isu diyaariyaan qaabilaada qaxooti gaadhaya 200,000 oo qof oo dalkaasi soo gaadhi doona 6 bilood ee soo socota haddii uu dagaalku sii socda.

 

 

Jimcihii xoogagga TPLF ayaa  lagu eedeeyay inay gantaalo ku garaaceen magaalada Bahir Dar ee caasimadda gobolka Amharada.

 

 

Dowladda gobolka Amharada ayaa waxay sheegtay in duqeyntaasi aysan wax khasaaro ah ka dhalan

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker