Burco Waa Gar in Laga Joojiyo Ciyaaraha Somaliland

Burco in laga reebo Ciyaarraha Somaaliland waa daw iyo gar, ee ma aha gardarro,sida ay ila tahay, waxa kasta inaan isku raacno sax ma ah ee waa in aan khald-keena qaadano,mana jirto sabab dhaliisha Burco gudaheeda ka jirto loola raadsado siyaasadda iyo Muuse Biixi Cabdi
Dhaliishaas cid leh waad garanaysaan ee ha is indho tirina waa Maamulka gobolka Togdheer ee iyaga dhaliila.
Burco faan aan waxba uga hoosayn ayaa halkaas dhigay ,waxaan naqaan oo kaliya sidda loo qayliyo, Gabilay way inaga badisay ,Burco-na  kubbad fiican ayay soo bandhigtay. qabyaalad ayaa se halkaas ina dhigtay.
Maxaan Xukumadda iyo Wasaarada Ciyaaraha ku dhaliilna sow inagii Uuska  ku dhex  fadhanaynay garoonka dhexdiisa ee ceebteena ummadu  wadda daawanaysay.
Maahmaah ayaa hayd “Nin daad qaaday Xunbo cuskay ” mar ba meel yaan la isku qaadin ee dhaliisha guddaha Burco ka jirta yaan cid kale lagu eersan.
Koobkii Burco lagu qabtay ayaynu ogayn in tababare Dhoonbir ninkii u is yidhi.!. baddel u ka diiday oo wax kale iska daaye baaska kubada tolniimo la isku siinayay oo aad moodaysay qubanihii magaha qabaa’ilka ee tolku qaybsan jiray.
Koobkii  hore ee haragysa lagu qabtay ayay Hotelkii ay dageen isku dhex dileen sabab la xidhiidha in aan dhalasho ahaan isku xaafad la ahayn, iyada oo la rabo in 11_ Ciyaartooy saami qaybsi lagu galo ,iyadoo laga tagey saaxiibtinimo,gobolnimo iyo walaalnimo.waa waxaan ka dhicin Gobolada kale ee Somaliland Sanaag wax dega 4-Belood ama kaba badan waligaa miyaad maqashay Sanaag ayaa qabyaalad Ciyaartoydeedu isku haystaan.?. xataa hadii laga badiyo waa midaysanyihiin.
Maroodijeex Waxaa dega Beelo badan ,waxaase la isku xushaa xirfada bal e’ waxaaba  u ciyaar ciyaartooy reer hargaysa ah oo aan beel ahaan kasoo jeedin Hargaysa.
4-sano waa xaq, ee haddaan laga dhigin 10 sano waa nasiib koobka soo socdanna burco ha iska dawaato insha allaah ,waxaa laga yabaa inuu hanuun u noqde e,
Bal ceebaha aan la qarin karin wax kamid ah kooxaha Burco ka dhisan ee xulku  kasoo baxaa waa beelo ,hadii xal la rabo hala burburiyo kooxaas oo kooxo isku dhafan ha la dhiso, dad reero u kala ciyaara marka hore-ba ayaa la odhanayaa matala xulka.
Ciyaartoyga Xamse shiikh iyo raggiisi daacada ahaa ee xulka ku jirayna ,ha la dhiiri galiyo oo niyad dhis ha loo sameeyo oo hala maaumuuso , taa baddelkeedana burco ha calamaddiso, summadna  ha u yeesho kuwii guuldarrada ka shaqeeyay iyo cid kasta oo sabab u ahayd  khilafkaas oo ciyaartoyadda kamid ahaa oo Eeddaasi  ku cadaato halaga mamnuuco kubada burco iyo ta somaliland-ba
Guuldarro kasta kadib waa in la qaado talaaboyin addag oo caloolyoow ku abuura kuwa saxiibka u ah xasaraddaha,wasarada ciyaaruhu haka dabo tagto ragii qabyaladda wadday oo ganaax addag ha la duldhigo, midnimadu lagu shegayaa marka la tafaraaruqo waxay u baahantahay in la is xanuunjiyo oo ragii dhawaca keenay aan la saamixin ee lagu dadaalo in laga maamnuuco ciyaaraha somaliland abid si ay u noqdaan tusaale wanagsan.
Raggaasna yaan la saamixin waayo kuwii hore ayaa la saamaxay 2011-2013-2015 .
Kuwan tusaale fiican oo raga danbe ka qoomameeyo halagu dhigo .
W/Q. Mustafe Axmed Maxamed Geedi

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker