Kheyre “Hadii aan nidaamka doorasho lagu heshiin, laguma heshiinaayo dowladnimada”
Ra’isuul wasaarahii hore Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, haddana ka mid ah musharaxiinta madaxweynaha Soomaaliya, ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay kadib muddo uu ololahiisa doorashada ka waday dalalka dibadda.
Kheyre wuxuu lasoo laabtay saameyn la wada dareemay dhanka soo dhaweynta, wuxuuna jeediyay khudbadiisa ku aadan walaaca uu ka qabo arrimaha doorashooyinka ee aan wali lagu wada qanacsaneyn.