Turkiga Oo Xidhay Nin Lagu Eedeeyey Inuu U Basaasayay Imaaraadka Carabta

Turkiga ayaa xidhay nin lagu eedeeyey inuu u basaasayay Imaaraadka Carabta, waxaa sidaas weriyey taleefishinka dowladda ee TRT World.

Ahmed al-Astal, oo ah 45 jir Falastiini ah oo kasoo jeeda Gaza, ayaa haystay baasaboorka dalka Jordan markii loo kaxeeyey xabsi ku yaalla Turkiga.

 

Qoyska Astal ee Gaza ayaa 25-kii September baraha bulshada soo dhigay bayaan ay ku sheegeen in 4 maalmood ka hor xilligaas lagu afduubtay Turkiga.

Qoyska Astal waxay sheegeen inuu ahaa suxufi in ka badan 10 sanno ka shaqeynayey Imaaraadka Carabta ka hor inta aanu u guurin Turkiga, halkaasi oo uu kula shaqeeyey dhawr warbaahin oo ay ku jirto wakaaladda wararka Turkiga ee Anadolu.

Bayaan labaad oo ay soo saareen salaasadii, ayey qosyak Astal waxay Turkiga ku eedeeyeen inay si aan wanaagsaneyn ula tacaaleen arrintan.

 

 

Qoyska ayaa ku booriyey madaxweynaha Falastiin Mahmud Abbas inuu soo faro-geliyo arrintan, ayaga oo sheegay in xaaskiisa iyo laba gabdhood oo uu dhalay ay kaligood ku yihiin Turkiga.

Taleefishinka TRT World ayaa ilo-wareedyo Turkish ah kasoo xigtay in Astal uu Imaaraadka Carabta u jaajuusayey ururka Ikhwanul Muslimiin ee Turkiga, sidoo kalena uu waday dhaq-dhaqaaqyo kale tan iyo markii uu dalka usoo guuray 2013.

Warbixinta ayaa sidoo kale sheegtay inuu ururinayey macluumaadka arrimaha gudaha Turkiga.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker