QISO DHAB AH, GOBOLADA TOGDHEER, SANAAG IYO SOOL .QALINKII PROF MOHAMED AHMED FARAH MATAAN (JAAFAA)

Muxuu wadnuhu ila dakaamayaa, Maxaan la hiin raagayaa, Maxey xubnuhu ila wada xanuunayaan,  Aqoon la’aan, Talo la’aan,  Ilbaxnimo la’aan Siyaasad la’aan iyo Kalsooni la’aan, ayaa dib u dhigtey Gobalada Togdheer, Sanaag iyo Sool,
 Waxa ay soo mareen marxalado  kala duwan oo haba yaraatee ilaa dawladdihii ka talin jirey aaney wax qaab dhismeed dowladnimo ka geysan, dib u dhac weynina ka haysto baahiyihii nolosha,  laakiin,  Allaah Subxaanahu Watcaalaa uu ku muneystey dhul baaxad leh oo bad iyo berri ba leh, balse dhaqashada xoolaha ku garasho wacan yihiin kuna badbaadeen.
Gobolada Togdheer, Sanaag iyo Sool, waxa ugu wacan inaaney garan ka faaiideysiga, hantida Deegaankooda, 
Kheyraadka ku dihin dalkooda waa Siyaasigooda iyo Aqoonyahankooda, kuwaasaa  kursi iyo xildoon ku foogan, shacabkiina ka dhigtey ( Dameer malab la Saarey).
Dulucda iyo murtidu waxa weeye Akhriste in aan muujiyo khatarta ka iman karta wax qabad la’aanta Goboladaa, ee Siyaasiga ka soo jeeda Gobaladdaasi garaneyn mudnaanta iyo shacabka badbaadadooda.
PROF. MOHAMED AHMED FARAH MATAAN (JAAFAA)
ANKARA, TURKEY
jaafaa66@gmail.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker