Jurgen Klopp oo Aad uga Naxay Dhaawac Soo Gaadhay Sadio Mane

Xiddiga Liverpool ee Sadio Mane ayaa la beddelay bilowgii qaybta dambe ee kulankii xalay ay Liverpool 1-0 dirqi ahaa kaga adkaatay Ajax,

 

Waxaana markii uu bannaanka u baxay lugta lagaga xidhay baraf si bararku uga dhaco, taas oo ay u dheerayd in laacibkani uu xogta dhaawaciisa sii siiyey tababareyaasha ka  hor intii aanu fadhiisan.

 

 

Arrintan oo walaac ku keentay tababare Klopp iyo jamaahiirta kooxdaba, waxa uu tababaruhu qiray in Sadio Mane uu ciyaarayay isaga oo lugtiisu ‘dhimatay’ kooxdiisana uu guusha u raacinayay.

 

 

Tababare Klopp ayaa go’aansaday in daqiiqaddii 60aad uu wada beddelo Sadio Mane, Mohamed Salah iyo Roberto Firmino oo hal mar garoonka ka wada baxay iyadoo ay waliba kooxdiisa saaran tahay cadaadis badan oo kaga imanayey Ajax oo nasiibku diiday.

Reds oo ay Sabtidii ka dhaawacmeen Virgil van Dijk oo inta xili ciyaareedka ka dhiman maqnaanaya,

 

Thiago Alcantara iyo Jol Matip ayaa walaacu galay markii Sadio Mane lugta lagaga xidhay baraf, hase yeeshee Jurgen Klopp ayaa xaqiijiyey in dhaawacani sahlan yahay.

 

 

“Lugta Sadio Mane waxay ahayd mid dhimatay (xanuun hayo) maalmihii ugu dambeeyeyba, waxaanu la tacaalayay xanuun ka hayay aaggaas.

 

 

Taasi waa sababta ay wali u tahay xanuun kaliya mana jirto dhibaato kale. Marka aanu ciyaarayna waxa uu isasaaraa baraf.” Ayuu yidhi Jurgen Klopp.

 

 

Sadio Mane ayaa sabab u ahaa guusha Liverpool, waxaana daqiiqaddii 35aad kubbad uu garabka bidix kasoo jabiyey isku qabtay Nicolas Tagliafico, taas oo noqotay goolka guusha u horseeday.

 

 

Jamaahiirta Liverpool ayay layaab ku noqotay in shaxda koowaad uu kusoo bilowday Curtis Jones isla markaana uu kaydka galay Jordan Henderson oo daqiiqaddii 45aad lasoo raaciyey beddel ahaan.

 

 

Jurgen Klopp oo arrintan ka hadlay ayaa yidhi: “Waxay ahayd xeelad. Dhakhaatiirta ayaa noo sheegay in Hendo aanu kusoo bilaaban karin, waxayse noo xaqiijiyeen in 45 daqiiqadood uu ciyaari karo. Waa taas sababta aanu Hendo u keenay,

 

Kaddib waxa aanu doonaynay inaanu ku ciyaarno khibrad iyo khad dhexe oo ugu yaraan waqti soo wada ciyaaray, taas oo ku caawinaysa kulamada noocan oo kale ah.”

 

 

Saddexlayda afka hore ee  MSN (Mane, Salah iyo Firmino) ayaa iyagana go’aankii beddelkooda ee halka mar uu ku wada saaray uu tababaruhu soo qaaday,

 

waxaanu yidhi: “Saddexda afka  hore, waxaad arkaysay inay tahay ciyaar adag, waxaana muhiim ahaa in hab difaac loo guuro, haddii aad taa samaysana waxaad ku guuleysanaysaa kubadda kaddibna waxaad helaysaa fursad weyn oo dhinaca weerarka ah.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker