20 hab oo aad ku sixi kartid qaladka/gefka Ilmaha

1. U soo celi kalsoonida ilmaha kadib marka  uu gef sameeyo.

2. Is weydii marka uu ilmuhu gef sameeyo: ma bartay ilmaha in uuna gefkaa samayn?

3. Bar in uu qaato masuuliyadda qaladka, waana xirfad uu u baahan yahay.

4. Dareensii cawaaqibta ka dhalan karta qaladka uu sameeyey si ay ugu abuuranto doonista in uu isbaddel sameeyo.

5. Raadi waxa ku kalifay in uu qaladkaa sameeyo si aad u saxdid halka sartu ka qudhuntay halkii aad boogta dusha ka dhayi lahayd.

6. Garab istaag.

7. U dhoola-caddee adiga oo dareensiinaya qaladka uu galay.

8. Shakhsiyaddiisa iyo qaladka kala saar, qofna ma jecla in dadka kale ogaadaan gefafkiisa.

9. Bar ilmaha miisaanka uu ku kala saari karo wixii suubban iyo waxa qaldan.

10. Bar in aanu ka baqan guul-darada iyo xirfadda in la kaco marka la kufo.

11. Ha ku khasbin ilmaha in uu is-dhiibo marka uu fashilmo kadib.

12. Bar falsafadda (in la kufaa in ay khibrad tahay).

13. Tus awoodihiisa gaadhsiin kara in uu ku guulaysan karo tijaabooyinka soo socda.

14. Bar in wadada guusha loo maro ay u baahan tahay samir iyo adkaysi.

15. Haka quusan ilmahaaga inkasta oo qaladkiisu bato.

16. Bar in uu kaligii isku kalsoonaan karo si uu u saxo qaladkiisa.

17. Bar in uu noqdo qof arrimaha oo dhan dhanka wanaagsan ka eega.

18. Si fiican u dhegayso marka uu kuu waramayo.

19. Bar in jacaylka iyo cafisku ay ka awood badan yihiin cadhada iyo ciilka.

20. Wax u sheeg kaliya marka xaaladdiisu deggan tahay.

 

 

WQ: Abdoulkarim Qurusdoon

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker