Hambalyada Qabyaaladeysan!

Hambalyada Qabyaladeysan : ay Da,yarta JSL iyo kuwa da,ada ahiba dirayaan waxa ka wanaagsa idinka oo kuwa dalka leh ee Xilaalka loo Magaacabo hambalyadda u dir, iska dhaafa ta Awr-kiraalaha ehelnimad ugu diraysaan ama isku degaanka tihiin.

Ummaddaha qadiyadda iyo qiyaam ka lihi , ma ah kuwo maalinba qof, awr-kiraale iyo tiro buuxiye ah ay ogyihiin hambalyo u dira ama  amaanna.

Tusaale ahaan aan u soo qaato Eritrea iyo South Sudan waa kuwa inoo dhow ma dhici karto  qof Eritrean ahi inuu mid kale Eritrea ah oo Itoobiya  xil- wasiir ama masab kale ka qabatay u muraaqoodo ma ah manna dhacado in gudaha Eritrea taa lagga sameeyo waayo qadiyada dalkood iyo sharafka Ummadnomo  ayey ilaalinayaan isla markaan   dheg xumadda ka ilaaliyaan kanna edition wax walb oo liidnimo u horseedi karra.

Sidda oo kale ma jirto iyaddanna South Sudan  hambalyo daaye inay xagooda eegaan arimaha suudan  iyadda oo boqolal kun oo south Sudan ahi gudaha Sudaan ku  nool yihiin.   Ku darso mar labbad na dal labaduba waa  ay kala faataxeysteen   dallaka Sudan iyo Itoobiya ay hore iga mid ahaan jireen .  Waxa aan  u soo qaatay arinka  isagga ah waxan caaw a aad u arkay iyo sanadahan danbe  soo  xoogaysnaya  da,yarta iyo kuwo da,aa jira ee  arimaha marka Wasiiro  soomaliya la magaacob kuwa   tiro-buuxiyaasha aan ognahay waxay shaqadoodu tahay i u hambalyeyaan.

Hadda aan mar kale ku darso kuwa soomaliya ka soojeedda  hambalyadda loo diri maayo ee waa qofka , loo igmaday  siddi Dalkiis iyo ummadiisa  u caayi laha ama  meelaha Cawimadda soomaliya u doonto la odhan lahaa waa kuwan kuwa degaanad ka soo jeeda Jamhuuriyada Somaliland  ee ha loogu soo daro caawimadooda dhinacayagan. Waxan u soo jeedinaya qof kasto  hambalyadda qabyaladeed diraaya, waxa kagga mudan addigo hambalyadda u dira   kuwa dalka leh, oo aad iska dhaafto ka aad  qabyaladnimad  ugu direyso Hambalyo ee ah qofka aad ka dhexe garato Golaha wasiiradda  iyagga ah.

Sidda oo kale waxan aaminsanahay qofka aad halkaa aad ogtahay ku dhiiri-gelnayso inaadan  wanaag la rabbin,e  xumah la doonayso waayo  meesha waxa looga magaacabay wax ka jira xaqiiqda waad la socota haddiiba aad garanayso inaad dirro hambalyo, inaad ka xumaado ayey aheyd halka aad hadda kubba farxayso.  Waxa kaa aad iminka hambalayada u diraysa waxad aroorta arki isaggo buurigga dalkaag iyo dadka ku  saydhinaayo oo “addigu ku jirto markaas ayaad odhan  ileen nafteyda ayan khalada ka galay?!

 

(WQ: Abokor I. Mohamud)

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker