Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex Oo Xukun Ku Ridey 7 Nin oo Kufsi u Gaystay Gabadh yar

Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex ee Magaalada Hargeysa ayaa maanta oo sabti xukun ku riday rag lagu eedeeyay inay fal kufsi u geysteen Inan yar oo kamid aheyd dadka degan magaalada Hargeysa.

 

Raggaas oo gaadhayay illaa iyo 7 eedeysane ayaa la horgeeyay Maxkamadda Maroodi-jeex, iyagoona kufsi u geystay Inan yar oo lagu magacaabo Cawo Xariir oo kamid aheyd Carruurta ku jirta xarunta Agoomaha Hargeysa.

 

Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex ayaa laba kamid ah raggaas ku xukuntay min 3 sanno oo xabsi ah, halka 5-ta kalena lagu riday xukun ah midkiiba 6 bilood oo xadhig dibad-joog ah.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker