MAANSADA AL MUJAAHIDUUN .

MAANSADA AL MUJAAHIDUUN .

17 / 1O // 2020 / 1984—– 17 / 10 /

Maalmuhu hadday kuu sinmaan

Waa masiibada,e.

Macaan malaha sooyaal haddaan

Lagu micnaynayne .

Mugdibay gesheen taariikhdu waa

Lagama maar mane .

Tan mujaahid aan lagu xusayn

Magacna loo diiday

.

Jeeroo milgihi uu lahaa

Tooska loo mariyo.

Jeeroo maqaam taalo dheer

Uu ka wada muuqdo.

Intaan mawdku helin jeer iyana

Meded la gaadh-siiyo.

Maskaxdiyo intii xoogu weli

maamul uu karayo.

Jeerooy horsed mudan yihiin

Laguna muunaynin.

Muran iyo inay buuq ku jiri

Waa midkii runahe.

.

Madax madax in laysugu dhacaa

Waa midkii runahe.

Murug iyo inay ceebi iman

Waa midkii runahe.

Malkadii lixlaa ugu habboon

Meel xus loo tago,e

Haddii mooyi xaalkeenu yahay

La isna moodsiiyo.

Majiiruu inuu kaa qaldami

Waa midkii runahe.

.

Inta naafadii madhan yihiin

Hayso macaluuli

Inta weli birii mudan yihiin

Aan rajana muuqan.

Mulaaqaa inaan laga baxayn

Waa midkii runahe.

Inta geesi uu mawdku helay

Aa wadaa maqani

Meel fogbay ka soo eega yaan

Maamuloo idile.

.

Mayabay ku wada leeyihiin

Maasuqaa badane.

Murdis iyo haddii maafish iyo

Moordi laga yeelo

GODKA INAY KU MURUGOO-NAYAAN

WAA MIDKII RUNAHE .

SIDAA IYO SANNAD WANAAGSAN .

Maxamuud cismaan faarax ( MOHOLIN )

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker