Guddoomiye ku xigeekna Sooyaal oo ka hadlay Xuska shuhadada SNM

Guddoomiye ku xigeenka Jimciyadda mujaahidiinta SNM ee Sooyaal Yuusuf Maydal ayaa ka hadlay xuska sannad guurada 34 ee ka soo wareegtay maalinta loo asteeyay maalinta shuhadada SNM oo ku beegan maanta oo ah 17/10/2018.

Maalintan oo laga soo bilaabay maalintii ciidamaddii xukuumaddii dhiigya cabka ahayd ee Siyaad Barre iyo xooggagii SNM ku dhex maray deegaanka Burco Duurray oo ahayd maalin qasaare aad u badan la soo gaadhsiiyay ciidankii Afweyne isla markaana SNM ay ka shahiideen mujaahidiin badan oo uu ka mid ahaa mujaahid Maxamed Faarax Diiriye Lixle.

Guddoomiye ku xigeenka Jimciyadda mujaahidiinta SNM ee Sooyaal Yuusuf Maydal   ayaa sheegay in midhihii halgankii SNM la hayo oo ay tahay dawladnimada iyo madaxbannaanida qaranka Somaliland isla markaana SNM aanay xukun u dagaalamayn ama aanay kursi doon ahayn laakiin ay diiddanaayeen oo ay ka dagaalamayeen dulmi iyo tacadi dawladdii Siyaad Barre dadka ku haysay ujeeddadana halgankuna ay ahayd in la helo dawlad dadku leeyahay oo iyagu ay masiirkooda ka talin karaan laakiin aanay iyadu dadka yeelan. Guddoomiye ku xigeenka oo la waydiiyay muhiimadda SNM uu u leeyahay xuska maalintan,ayaa yidhi.“horta maalintani waxay la xidhiidha oo ay ku timi taariikh soo socotay oo halgan waana maalinta midaysay dhammaan halgankii SNM ee soo socday iyo midhihii ka soo baxay oo ah Somaliland maalintaas oo 34 sano ka hor ahaydna goob joog ayaan ahaa oo dagaalka ayaan ku jiray maantana himiladii halganka oo tisqaaday ayaan jooga waana wax ALLE loogu mahad naqo waxaanan u ducaynayaa in badan oo saaxiibadaydii halganka ah oo dhintay oo aan maalintan soo gaadhin in ALLE u naxariisto,wuxuu maalintan xuskeedu muhiimad noogu leeyahay waa maalin xambaarsan xornimo,dawladnimo iyo qarannimo,SNM xukun doon may ahayn kursina umay dagaalamayn laakiin waxay ka damqatay oo ay ka dagaalamaysay dulmi iyo tacadi aan loo dulqaadan karin oo maamulkii xlligaasi uu dadka ku hayay waxaanan doonaynay in la helo dawlad dadku leeyahay oo ay iyagu masiirkooda kaga tashadaan waxaanan diiddanayn dawlad iyadu dadka yeelata oo siday doonto ka yeesha oo ahayd tii xilligaa taagnayd,maantana waxaynu haysanaa dawlad dadku leeyahay oo ay iyagu masiirkooda kaga tashadaan oo ay far wax ku bedelaan waana Somaliland oo ah midhihii halgankii SNM.”

 

Guddoomiye Maydal oo aanu waydiinay Jimciyadda Sooyaal waxyaabaha ay SNM u qabato,ayaa yidhi. “waxaanu qabanaa waxyaabo badan oo aanu u qabano mujaahidiintii SNM laakiin aan warbaahinta la marin,waxaanu xaaladdooda caafimaad wax ka qabanaa naafadii SNM,waxaanu shaqo u raadinaa kwo badan oo ka mid ah mujaahidiintii oo ay dhib ku tahay in ay shaqada raadsadaan sida naafada oo kale imika waxaa uu madaxweynuhu naga ogolaaday in 51 mujaahid oo ka mid ah in aanu qaramayno oo aanu qorno wasaaradda gaashaandhigga Somaliland oo waaxda naafada iyo hub ka dhigista la qoro,waxaa kale oo aanu wax kala qabanaa mujaahidiinta doonaya in ay waxbartaan oo aanu la raadino imikana kuwo badan oo wax soo bartay oo aanu shaqo geynay,ayaa jira.markaa waxaanu u taaganahay samo falka mujaahidiinta SNM.”

 

Guddoomiyaha oo aanu waydiinay in ay jiraan taakulayn ama gacan qabasho ay u fidiyaan agoontii SNM,ayaa yidhi. “dagaalkii SNM ay kujirtay wuxuu dhammaaday oo ay Somaliland xorowday 1991-dii. Ilmihii xilligaa laga dhintay maanta agoon maaha ee waa muddo kar waana dadka dalka maanta wax u bartay ee hadday ganacsi tahay,hadday shaqaale tahay iyo hadday dhan walba tahay dalka ka muuqda oo qaybta ugu weyn ku leh horumarka qaranku ku socdo mana jiraan cid meel ku uruursan oo la yidhaahdo agoontii SNM laakiin waxaan u taagganahay in aanu u adeegno oo wax u qabano mujaahidiintii SNM ee halgankii dib u xoraynta dalka ku laxaad beelay ee gacan qabashada u baahan.”ayuu yidhi Guddoomiye ku xigeemka jimciyadda mujaahidiinta SNM .

 

Waxaanu xuska maalinta shuhadada SNM hambalyo u diray dhammaan mujaahidiinta SNM iyo xaasaskooda iyo carruurtooda intii dhimatayna wuxuu ALLE uga baryay in uu u naxariisto.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker