Dil Lagu Fuliyey Nin Hooyadis Ku Dilay Deegaanka Puntland

Waxaa maanta goob fagaare ah lagu qisaasay Faarax Cabdi Maxamed oo hooyadiis bilo kahor ku dilay tuulada Jalam ee gobolka Nugaal.

Xeer ilaaliye ku xigeenka Maamulka Puntland Maxamed Xareed Faarax ayaa faahfaahin ka bixiyay sida uu dhacay xukunka lagu dilay Faarax Cabdi Maxamed.

 

“Taariikhdu markii ay ahayd 14/07/2020, maxkamadda darajada kowaad ee gobolka Nugaal waxay xukun dil ah ku riday Faarax Cabdi Maxamed ina Xaawo Jaamac 42 sanno jir ah, kadib xukunkaas markii uu dhaqangal noqday ayaa taariikhdu markii ay ahayd 01/09/2020 xafiiska xeer ilaalintu wuxuu qoray qoraal ah ku wargelin xukun suge dil, sida waafaqsan qodobka 248 ee xeerka ciqaabta Soomaaliyeed, kaas oo dilay hooyadiis oo la oran jiray Xaawo Jaamac kuna dilay tuulada Jalam, taariikh markay ahayd 17/06/2020, dilkaas wuxuu u adeegsaday sabarado” ayuu yidhi Maxamed Xareeb.

 

Maxamed Xareed, Xeer ilaaliye ku xigeenka Puntland ayaa sheegay in dil camdi ah lagu helay Faarax Cabdi Maxamed oo ah ninka hooyadiis dilay, ayna dhaxlayaashu codsadeen qisaasta.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker