Dawladda Federaalka Somalia Iyo Talyaaniga oo ka La Saxeexday Heshiis Muhiim ah

Dowladda Federaalka Soomaaliya Ayaa maanta dowladda Talyaaniga la saxiixatay mashruuc lagu dhisayo Biyo xidheenka magaalada Beledweyne, oo ku kacaya malaayiin dollar.

 

Mashruucan ayaa isugu jira dhisme biyo xireen, dayactirka Jiinka iyo kanaalada wabiga, si loo yareeyo khatarta fatahaad ee wabiga Shabelle ku sameeyo magaalada Beledweyne iyo beeraleyda ku xeedhan.

 

 

Saxiixa heshiiskan oo uu goobjoog ka ahaa siihayaha R/Wasaare ku-xigeenka ayaa waxaa Dowladda Soomaaliya u xiixay siihayaha Wasiirka Beeraha Siciid Xuseen Ciid,

 

Halka Dowladda Talyaanigana u saxiixay Safiirkooda Alberto Vecchi iyo Madaxa Hay’adda horumarinta Talyaaniga Guglielmo Giordano.

 

 

Mashruucan ayaa waxaa ku baxaya lix Milyan oo Euro, waxuna isugu jiraa saddex qeybood oo kala ah, dhismaha biyo-xireeno, dayactirka kanaalada iyo tayeynta hay’adaha qaabilsan fatahaadaha.

 

 

Sii-hayaha Wasiirka Beeraha ayaa sheegay mashruucani in uu yahay mid ahmiyad weyn u leh deegaannada uu maro wabiga Shabelle oo geysta fatahaado sababa dhimasho iyo burbur hantiyeed, isagoo uga mahadceliyey dowladda Talyaaniga taageerada ay la garab taagan tahay.

 

 

Mashruucan oo ahaa in la fuliyo horaantii sanadkii tegay ayaa baaqday kadib markii dowladda Soomaaliya ay soo dalban weyday.

 

 

Wargeyska La República ee Talyaaniga ayaa bishii November 2019 qoray warbixin, ay soo xigatay Caasimada Online,

 

Oo uu ku sheegay in lacag 6 milyan oo dollar ah oo loogu talo-galay in lagu dhiso biyo xidheeno ka hortagi karay fatahaadda webiga Shabelle uu ka sameeyey qeybo ka mid ah maamulka HirShabelle dib loo celiyey markii dowladda Soomaaliya ay soo gubin weysay soo-jeedinta mashruuca.

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker