Oodweyne News - Latest Somali News Update

BAARLAMAAN KHASAARAYImage 2005-2020.

(The failed Somaliland’s House of representatives and elders).
——— —————- ——————– —————
Qaybtii 2aad:
– Marka aynu soo fahamnay macnaha guud ee wakiil/wakiilo , shaqo ahaana isku wada midyihiin , iyadoo umad waliba dhaqankeeda, diinteeda iyo deegaankeeda ku salaynaysa  shuruucdooda nololeed /dowladeed/siyaasadeed , hadana Gole kasta oo wakiilo ah oo shaqadiisu tahay taa hore aan usoo qeexnay , marka uu bilaabayo shaqadiisa/shaqadooda  , waxay ku bilaabaan /ku saleeyaan shaqadooda hadba duruufta bulsho /siyaasadeed ee jirtaa . waxay ahmiyada siiyaan dhamaan arimaha taabanaya bulshada nolosheeda , horumarkeeda , nabadgelyadeeda , wada jirkeeda iwm .iyagoo u samaynaaya jadwal leh ahmiyado (priorities ). Macnaha kalfadhiyada iyo ajendayaashoodaba waxa loo Kala horumarinayaa, hadba sida ay ugu Kala muhiimsanyihiin bulshada.(1)
——————————————————
( 1)Tusaale sharciga ama ajendaha sida tooska ah u taabanaaya howlmaalmeedka /nolosha dadweynaha iyo ka aan saamaynta ku lahayn laakiin qaranku u baahanyahay waa laba shay oo ahmiyadoodu Kala duwan tahay.  Kaas nolosha taabanaaya ayaa kow u ah bulshada, golayaashana looga baahanyahay inay kow ka dhigtaan, kuwa kale gadaal.
————————————————————
Iyadoo uu mowduucani yahay mowduuc dheer , si kooban hadaan u gudo galo , baarlamaanka JSL  waxa uu ka koobanyahay laba gole , oo kala ah:
* Aqalka Guurtida  ( House of Elders ),
*Aqalka wakiilada (House of Representatives ).
 Waa laba aqal oo soo jiray muddo dheer lana abuuray waqtigiii la abuuraayey JSL , iyadoo la odhan karo waqtigaa way ka horeeyeen oo waqtigii SNM ba way jireen ,hadana anigu waxaan ka soo qaadayaa waqtida dowladnimada , waayo waa waqti somaliland isusoo dhamaatay .
Laga soo bilaabo aasaaskii somaliland, baarlamaanka soomaaliland waxa uu soo maray waqtiyo kala duwan , duruufo kala duwan  iyo siyaasado kala duwan, oo kala gedisan .Marxalad walba oo la maraayeyna bulshadu waxbaa muhiim u ahaa, oo mar walba baarllamaanka jira laga rajaynaayey.( Tusaale , marbay colaada jireen oo dadkuba wax kaleba aanay cid ka sugayne, kaliya sidee salka dhulka loo dhigaa xaalku ahaa ).
 Si guud waxaan u soo qaadanayaa laba marxaladood kaliya :
 Marxaladii dimiquraadiyada iyo hanaanka asxaabta badan , iyo marxaladii  axdiqarameedka iyo beelaha ku dhisnayd (Democrazation and pre-democrasation period).
Marxaladahaas aan guudmaro, si aan meesha aan u socdo durduro ugu gaadho, akhristahana aan u gaadhsiiyo, Sheekaduna is kugu xidhanto.
▶️Hanaankii Beelaha Qabilga aha, ( Pre-democrazation -Tribal and Reconciliation Period ),
▶️Waqtigii Dimiquraadiyada Somaliland (Somaliland Democrazation period  ).
Laabadaas xili ee ay Somaliland soo martay , waxay ahaayeen waqtiyo kala duwan , kala duruufo ah , waqtiba bulshada waxbaa u darnaa . werwerka bulshada iyo fahamkeeduna marba meel ayuu taagnaa.
 👉Waqatigii Qabaliga ahaa /axdi qarameedka qabiilka ku dhisan iyo dib-uheshiiaiinta  (Tribal charter and Reconciliation Period ). Waqtigaas waxa jiray baarlamaan , u badan umada waayeelkiidii , oo reer waliba soo xushay waxgaradkiisii,  talo qabeenkiisii , haday wakiilo tahay iyo haday guurti tahayba .
Waqtigaas  shacabka maxaa kow u ahaa (priorities ):
( Nabadgelyo , in la adkeeyo isfahamka bulshada, isdhexgalkooda , dowladnimada oo la wada aamino , bulshada oo ogolaata in sharcigu shaqeeyo ,dadku inay dowladnimada iska wada dhex arkaan , bulshada in la tuso dowladnimadu inay tahay maslaxada umada ,inay bulshadu fahamto cashuurta iwm  halkaasi ayaa bulshadu doonaysay inay xaqiijiso , guud ahaan golayaal dowlad madax dhameed laysu kaashaday).
 Arimahaas ayaa ahaa arimaha ugu waawayn, ee horyaalay haldoorkii markaas safka hore ee bulshada joogay, siyaasiyiin, madaxdhaqameed, ganacsato, guurti iyo baarlamaan iyo dowladba lahaa. Waana arimihii laf shabarta u ahaa dadka iyo dalkaba.
Waxaan leeyahay markaas golayaashii ku dhisnaaa habka qabaliga ah ee waqtigaas jiray kaalin muhiim ah ayay kasoo ciyaareeyeen dhamaan duruufihii markaas jiray , waanay ka midho dhaliyeen guud ahaan (waqtiga ha dheeraado), marxaladaas dadka way ka soo saareen  , shaqadoodiina waxay suuro galisay in somaliland maanta halkan timaado ay joogto, Nabadgelyada leh , Wada-noolaanshaha , Ganacsiga  , Dimiquraadiyad leh(wallow ayna wali dhamaystirmin) iwm .
Sidi guud markaynu u qiimayno ,waxaynu odhan karnaa , way guulaysteen golayaashaasi, (iyadoo ay jirto mar walba qaladaad bulsho oo fara badan ,qabyaalad ,dowladxumo ) hadana maxsuulka guud marka laysku geeyo waxaynu odhan karnaa , baarlamaanadii jiray waqtiyadii adkaa ee Somaliland soo martay ( dagaaladii sokeeye iyo taabagalinta dowladnimo, ee kow ay ka ahayd nabadgelyada ( in bulshada Somaliland  wada noolaan karto , jaar noqon karto , qoys waliba noloshiisa maaraysan karo), wuu kasoo samatabixiyey bulshada reer Somaliland.
 Marxaladaasi waxay kusoo afmeerantahay , in golayaashaasi diyaariyeen , dhamaan waxyaabihii dowladnimadaa salka u ahaa , waxii bulshada u darnaa waqtigaas , lagana sugaayey , (gaabis ha jiro ) , laaakiin waxay suuro gal noqday  sidan hoose:
👉Qaranka oo distoor yeeshay
👉Qaranka oo passport yeeshay ,
👉Qaranka oo nabadgelyo helay,
👉bulshadii oo salka dhulka la heshay,
👉Qaranka oo lacag yeeshay , waxay ka mid ahayn marxaladihii gabi dhaclaynta Somaliland ,
👉Qaranka oo ciidan adag yeeshay,
👉Ugu danbayn qarankii oo fahmay aragtida hanaanka xisbiyada badan , bulshadii oo ay u bilaabantahay , isdhexgaal bulsho , mid siyaasadeed iyo mid gaanaacsiba.
Tareenkii bulshadu la socotay markuu halkaa isa soo taagay ee uu kusoo xidhay halkaas , waxaa bilaamaysa mar-xalada labaad ee Somaliland soo martay .(somaaliland’s Democrazation and Multi-party System Period).
 _ Lasoco qaybta 3aad : waa qaynta ugu weyn aan ka faalo on doono ,marxaaladaas iyo bulshadu waxa kow ama laba (Priorities) bulshada u ahaa , lagana sugaayey baarlamaanka 2005-2020. Halkaasaynu aad isu dultaagi doonaa , marxaladahaasna waan is barbardhigi doonaa .
Abdirashid Hussein Yousuf
Gahaydhle @live.com

Doha ,Qatar