Xukuumadda Somaliland oo Go’aamiyay In Ay Sii Socoto Xayiraada La Saaray Shirkadaha Fly-Dubai iyo Air Arabia

Somaliland ayaa War ka soo saartay sababaha keenay in shaqada laga joojiyo shirkado dayuuradeed oo caalami ah kuwaasoo dhowaan ay shaqo shaqo joojin ku sameysay waaxda Duulista Hawada ee Dalkaasi.

 

 

“Golaha Wasiirada Somaliland iyagoo garowsan baahida dalku u qabo shirkado caalamiya iyo iskaashi dhaqaale,

 

Waxa uu dood ka yeeshay arrinta diyaaradaha Fly-Dubai iyo Air Arabia oo hore uga hawl geli-jiray Dalka Jamhuuriyadda Somaliland,

 

Balse hay’adda duulista hawada Somaliland shaqada ka hakisay” ayaa lagu yidhi War-saxaafadeed ka soo baxay golaha Wasiirada Somaliland oo maanta kulan ku yeeshay Hargaysa.

 

 

Golaha Wasiirradu waxay maareeyaha duulista hawada, garyaqaanka guud iyo xeer ilaaliyaha guud ka dhegeysteen warbixinta xogta rasmiga ah ee ku saabsan diyaaradahaasi,

 

Waxaana uu goluhu xaqiiqsaday in shaqo-ka-hakinta diyaaradahaasi ay tahay arrin sharci ah maadaama aannu jirin heshiis rasmi ah oo hay’adda duulista Somaliland la gashay hay’adda duulista ee dalka laga leeyahay diyaaradahaasi.

 

 

Sidaa awgeed, golaha wasiiradu waxa uu isku raacay qodobada soo socda:-

 

 

1 In hakinta diyaaradahaasi socon doonto inta laga gaadhayo heshiis u dhexeeya labada hay’adood, iyadoo la waafajinayo shuruucda iyo xeerarka dalka.

 

 

2 In la xoojiyo heshiis dhexmara labada hay’adood ee duulimaadyada.

3 In laga hawl-galo dhamaystirka heshiiska labada dhinac, iyadoo kor loo qaadayo lana kobcinayo dhaqaalaha dalka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker