NIN AAN KUU FURIDOONINI YAANUU KUU RARIN – KHAATUMO IYO SOMALILAND.

Runtii marka la is dultaago SOMALILAND ma noqon karto dal jira haddii AANAY SOOL IYO SANNAAG IYO AWDAL WADAN AMA HARTI IYO AWDAL WADAN. Waxaa ba iska muuqato intii Kulmiye yimi inaan SOMALILAND ba la rabin ee wax kale la rabo oo faraha lagula jiro labadii Xukuumadood ee Kulmiyeba laakiin arinkaa HAAN GUN LA UUN IGA DHEH ( HAANTAAN GUN LOO TOLIN BULSHADU KU HAKAN MAAYAAN ).

KHAATUMO waxay ku dhacday nin aan KUU furaynini yaanuu KUU rarin. HALYEYGII CALI KHALIIF GALAYD ALLAH HA U NAXARIISTO OO JANNADII HA GEEYO( haddaan gabayaa weyn ahaan lahaa geerida Cali waan ka dul gabyi lahaa). Cali Khaliif waxaan ku jeclaa may ahayn cilmi ama aqoon  ama ummadda Somaaliyeed ku jeclayd may ahayn khibraddiisa iyo xogogaalkiisa, may ahayn mansabyaduu soo qabtay may ahayn qabyaalad may ahayn dadka wuxuu ku hantay oo lagu JEClaa siduu (blotiing) siduu sheekooyinkiisa afsomaliga ah ISUGU xidhi jiray EE hadal wanaaga (good communication) dadka wax uga dhaadhicin jiray EE bulshada xigmad iyo afsomali wax UGU gudbin jiray EE u kaftami jiray EE u mayalka adkaa hadana. CALI MARKUU HADLAYO AFSOMAALIGA WAAD JECLAANAYSAY OO WUU UGU AFSOOMALI WAAWEYNAA SIYAASIYIINTA JIRTA MAANTA. ARINTA KHAATUMO IYO SOMALILAND  HADAL KOOBAN BUU KU SIFEEYEY ISAGOO SOMALILAND  XUKUUMADEEDA KULMIYE KU YIDHI ‘ KU QARIYEY QARIYEYE GUN-CAD’ tiibay na ku gebogeboobaysaa oo Musena waa la ayaan dabeecadihiisa uu wax ku maamul oon Distoor iyo qaanuun shaqo kuma laha, isaguna dembigaa ma leh Siilaanyo ayaa KHAATUMO soo raray oo hawada dhigay xitaa guricas muu Dejin. Cali intaa aan ku dhaafo, Cali  Allaysay xaggii loo badnaa buu qabtay maxaa idiin xala reer Khaatumooy , nin la sugayaw maxaad sugaysaa.
Anigu waxaan qabaa waxa SOMALILAND ta jirta oo dhan maamul ahaan waxaa xumaaday waxaa ka masuula Siilaanyo,  ISAGAA kaatumo soo raray, isagaa Muse Biixi keenay,  isagaa Dekedda berbera iibsaday, isagaa UMMADDA qabyaaladda u kala soocay, isagaa Doorashadii 2017kii  musuqmaasaqay oo Muse (Bus lane)ka mariyey oo Kursiga Badhida u saaray  doorasho xor ah may ahayn maweliba wuu sii qururuf leeyey.
MUSE AYNU EEGNO HALKUU LA MARO IMIKABA WAA QARDAJEEX.
M Bashe
qoranebashe@gmail.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker