“Maxamuud Xaashow Aayadaha Quraankeed Soo Daliishanaysa Maantay Soo Degeen ? Siyaasi Buuni.

Siyaasi Cabdinaasir Maxamed Buuni oo hore uga tirsanaa Xisbiga UCID ayaa ka jawaabay khudbad saacad ah oo uu wasiirkii hore ee Madaxtooyadda Somalilan, Maxamuud Xaashi Cabdi u jeediyey qaar ka mid ah warbaahinta taasi oo uu ku dhaliilay Xukuumadda maanta talada haysa.

 

Siyaasi Buuni ayaa sheegay in Maxamuud Xaashi aanay u banaanayn in maanta uu umadda Somaliland lasoo hor istaago arrimo ku saabsan musuq iyo wax isdabamarin .

 

“Maxamuud Xaashow da’deed ahayd markaad xoolaha umadda ku tasa rufaysay , Aayadaha quraanka ee aad maanta soo daliishanaysa ma maantay soo dageen ? Soo may jirin markaad xilka haysayba , waxaad umadda u sheegayso waxaad tahay qofka koobaad ee ku sifoobay , aakhiradaada u tudho oo umadda cafis weydiiso  ” ayuu yidhi

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker