Oodweyne News - Latest Somali News Update

Taariikh Nololeedka Sheekh Mohamed Sheikh Omer Dirir-

Sheekhu wuxuu ku dhashey Kililka Shanaad ee Ethiopia sanadkii 1963kii meesha loo yaqaan Dalooburey ( halka ay iska galaan deegaanka Oromada iyo Soomalidu). Sheekhu isagoo aad u yar ayaa aabihii ka kexeeyay Dalooburey oo geeyey waddanka Somaliland oo kana bilaabay Sheekhu barashada Quraanka Kariimka, macalin quraankiisi ugu horeeyay wuxuu ahaa aabihii Sheekh Cumar Dirir.
Aabihii wuxuu ahaa Sheekh caan ah, waxaanu dhigi jirey culuumta Islaamka, waxaanu ka dhigi jirey Ethiopia, Somaliland gaar ahaan gobolada Somaliland ee Hargeysa, Berbera iyo Ceerigaabo.
Sheekh Dirir wuxuu aabihii geeriyooday Sheekha oo ah 19 jir. Waxa jirtay in Sheekha aabihii in ku ducaysan jiray odhana jiray dadka igu duceeya in Ilaahey isiiyo Wiil iga dhaxla Cilmiga.
Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir waa Curudkii Aabihii ama Curadkii reer Sheekh Cumar Dirir halkaana waxa ka cad Azharin baryadii aabihii Ilaahey baryey uu Alle u aqbaley.
Sheekh Maxamed wuxuu ka qaatey aasaasiyadka culuumta shareecada Islaamka ee kala duwan aabihii sida Fiqiga, Xadiiska iyo Naxwaha, sidoo kale wuxuu ka qaatey culimo waaweyn oo Ethiopian ah gaar ahaan qowmiyadda Oromada.
Wuxuu ka bartey Luuqada Carabiga macalimiin Masaari ah oo loo soo direy Soomaaliya, sidoo kale wuxuu Sheekhu wax ka bartey culimo kasoo qalin jabisey Jaamacadaha Sucuudiga, sidoo kale wuxuu Sheekh Maxamed wax ka bartey Madaariskii Diiniga ahaa ee wakhtigaas ku yaalay Hargeysa.
Sannadkii 1996kii Sheekhu wuxuu tagey Jaamacad ku taala waddanka Koonfur Asiya ee Baakistaan Mageceedana la dhaho Jaamicatul Wifaaq al Islaamiya halkaas oo uu ka qaatey shahaadada Maajisteerta ee Daraasaadka Islaamka iyo Luuqada Carabiga.
Sannadkii 1999kii Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir wuxuu booqdey dalka Masar waxaanu la kulmey culimada dalka Masar gaar ahaan Sheekhul Azhar, waxaanu dawro cilmi ah ku qaatey Jaamicatul Azhar. Sheekhu wuxuu ku talax tagey in badan oo ka mid ah qeybaha kala duwan ee shareecada Islaamka isagoo in badan ku qaatey xalaqadaha kala duwan ee Masaajidada. Sheekhu wuxuu bilaabey dacwada bilawgii sideetanaadka qarnigii tagey isagoo dadiisu aheyd 19 jir.
Dhaqdhaqaaqiisa Dacwadeed
Sheekhu waa daaci weyn, waa Imaam, waa Khadiib, waa macalin masaajidka wax ka dhiga Nuurul Huda, waana maamulaha Maxkamadda Shareecada Islaamka ee Hargeysa, waana Madaxa Fatwada ee Somaliland.
Sheekhu wuxuu uban baxey dhigista Tafsiirka Quraanka Kariimka ah isagoo ka dhigaya Masaajidka , Idaacada iyo Tvga Qaranka Somaliland iyo kuwo kalaba. Sidoo kale wuxuu uban baxey inuu dadka ka jaahil saaro wixii suaalo ah ee ku saabsan diinta islaamka Alle kheyr haka siiye.
Waxey aheyd duruustii ugu horeysey ee Sheekhu bilaabey Fiqi, Naxwe iyo Xadiis, waxaanu ahaa mid dhiga Funuunta Islaamka iyo Luuqada Carabiga. Waxa kaloo Sheekhu dhigey culuumta Caqliga ah(Philosophy) sida cilmiga Mandiqa, sidoo kale sheekhu wuxuu fadhiistey Masaajido badan isagoo wax dhigaya, sida Masaajidka Taqwa, Jameeco Weyn, Mustajaamaca weyn ee Hargeysa, Masaajidka Cali Mataan, Bootaan ( waana kii ugu horeeyey ee uu Tafsiirka ku bilaabo).
Wuxuu Sheekhu ku caan baxey dhigista Tafsiirka Quraanka halkaasoo uu ka dhameeyey sideed jeer masaajidka Nuurul Huda kaligii ilaa imikana socda, iyadoo Idaacada Hargeysa iyo Tvga Somaliland ba uu ka dhameeyey sidoo kale islamarkaana uu ku celceliyo.
Sheekhu wuxuu bilaabey dhigista Tafsiirka sideynu soo sheegney 1986kii isagoo ahaa Tafsiirkii ugu horeeyey ee laga soo daayey Idaacada Hargeisa 1991kii sidoo kale Tvgana laga soo daayey 1996kii.
Sidoo kale Sheekhu wuxuu ku caan baxey joogteynta iyo kala go laaanta duruusta uu bixinayo isagoo oo aan maalin kaliya darsiga ka habsaameyn may dhicin inuu cashar jaro ama joojiyo ilaa uu dhameystiro ama ha dhigo ama isagu ha dhigtee.
Waxyaabaha layaabka leh waxa ka mid ah inuu mid ka mid ah ardeydiisii uu sheegey inuu Sheekhu hal miridh ka habsaamey darsi uu dhigayey iyadoo uu darsigaasi bilaabmayey 6dii subaxnimo Sheekhuna uu yimi 6dii iyo hal miridh. Wuxuu ahaa Sheekhu mid ka qaata duruus culimada kale isagoo ardey leh taasina waxey ku tusineysaa is dhuldhiga Sheekha.
Dhammaan duruusta kala duwan ee Sheekhu bixinayey way duuban tahey waxaaney taallaa maktabadaha sida maktabadda Al Husseini ee ku taala magaalada Hargeysa. Sheekhu wuu u madax banaan yahey dhaqdhaqaaqiisa dacwadeed kamana tirsana koox ama xisbi.
Caqabadihii Soo wajahey Sheekha intii uu ku gudo jirey fidinta dacwada
Caqabadaha soo wajaha Culimada markey uban baxaan fidinta dacwadda way badan yihiin hadaba caqabadihii ka hor yimi Sheekha intuu wadey dacwadda waxa ka mid ahaa:
Dawladdii Siyaad Barre oo aan marnaba ogoleyn culimadu iney faafiyaan Dacwadda
Sidoo kale waxa caqabad ku noqotey dagaaladii sokeeye oo iyaguna faafinta dacwada caqabad ku ahaa
Waxa ka mid ahaa caqabadihii ugu adkaa ee Sheekha soo marey in laysku dayey markey taariikhdu aheyd 2001dii in la dilo oo laga takhaluso iyadoo shirqool abaabulan loo dhigey xili uu markaa ka soo baxey Masaajid u dhaw gurigiisa Salaadii subax dabadeed iyadoo lagaadhsiiyey dhaawacyo aad u culculus oo sababey in Sheekha loo qaado dibedda si loogu soo daweeyo.
Qeyb ka mid ah waxqabadka Sheekha
Waxqabadka Sheekhu wuu badan yahey lamana soo koobi karo alle haka abaal mariyee, hadaba waxqabadkiisa waxa ka mid ah:
Wuxuu Maxkamad Islaami ah ka aasaasey tuulada Gumburaha 1989, tuuladaas oo uu aabihii ka dhisey Masaajidkii ugu horeeyey waana deegaanka uu ka soo jeedo Sheekhu.
Wuxuu kaloo Sheekhu aasaasay maxkamadda sharciga ah ee Hargeysa sanadkii 1997kii isaga ayaana masuul ka ah.
Wuxuu ka mid ahaa sheekhu kuwii ugu horeeyey ee wax ka aasaasa tartanka Quraanka Kariimka ah waxaaney aheyd markii ugu horeysey ee la qabto 1992kii.
Sidoo kale Sheekhu wuxuu bilaabey Xafiiska Xujaajta oo dadka Xajiya u fududeeya gudashada waajibaadka Xajka.
Wuxuu safar ku tagey dalal badan oo ka mid ah Yurub iyo Waqooyiga Ameerika isagoo wada wacyi galin, baraarujin iyo tilmaamid dadyowga Muslimka ah gaar ahaan Soomalida.
Sheekhu inta badan wuxuu aad uga qeyb qaataa danaha guud ee bulshada, tusaale ahaan wuxuu ka qeyb qaatey heshiisiintii iyo dejintii goboloda waqooyi waqtigii ay ka socdeen dagaalada sokeeye sidoo kale wuxuu ka qeyb qaatey xalinta khilaafaadkii ka dhacey Daroor iyo Balimataan kaas oo udhaxeeyey laba beelood oo halkaa wada dega.
Wuxuu ukacey Sheekhu inuu hagaajiyo oo xaliyo khilaafaad soo kala dhex galey xukuumadda iyo xisbiyada siyaasiga ah waqtigii uu talada dalka hayey Dahir Rayaale Kahin isagoo eegaya danta dalka iyo ummadda.
Sheekhu wuxuu wax ka bedeley warbaahinta dalka sida Idaacada Hargeysa iyo Telefeshinkaba sida in lagu soo daro barnaamijyo diini ah lagana saaro wixii aan munaasib aheyn waaney ka mahad naqeen masuuliyiinta warbaahintu waaney soo dhaweeyeen soojedintii Sheekha wax ka bedelna way sameeyeen.
Sheekhu wuxuu ka dhigaa Jaamicadda Hargeysa iyo Jaamacidda al Niileyn faraceeda Hargeysa.
Ardeyda Sheekha wax ka baratey
Ardeyda Sheekha wax ka baratey way badan tahey halkanna laguma soo koobi karo haddaba waxeynu isku dayeynaa ineynu uqaybino afar qeybood.
Qeybta koowaad
1988kii waxa ka mid ahaa ardeydii ka faaiideystey kuwan soo socda:
Sheekh Cabdiraxmaan Axmed (Sheekha tafsiirka masaajidka Cali Mataan)
Sheekh Maxamed Aadan ( Imaamka Masaajidka Cali Mataan)
Khaddar Xasan Aadan ( Khadar Tajwiid) Madaxa Hayadda gargaarka ee Somaliland.
Qeybta Labaad
Sagaashanaadkii ardeyda Sheekha wax ka baratey waxa ka mid ahaa:
Jaamac Nuur ( Wariyaha Aljazeera ee Soomaaliya)
Sheekh Cabdi Khaliq Sheekh Axmed ( Maamulaha Madaariska Shaadibiya)
Maxamed Xuseen Faarax ( Madaxa qeybta qaanuunka ee Jaamacada Hargeysa)
Mubaarig Ibraahim Aar ( Guddoomiye ku xigeenkii hore ee Jaamacadda Hargeisa)
Cali Cabdilaahi Cilmi Cali wadaad ( Maamulaha Madaariska Khaliil Al Xusari)
Sheekh Maxamed Xuseen ( Khadiibka Masaajidka Nakhiil).
Qeybta Saddexaad
1997kii Waxa ka mid ahaa:
Maxamed Caydiid ( Imaamka Masaajidka Bootaan)
Cabdixakiim Sheekh Ibraahim ( Wuxuu Master ka diyaariyaa Jaamacatul Madina Almunawara)
Aadam Cabdiraxman ( Maamulaha Macaahidda Ibn Cabaas ee lagu barto Quraanka)
Maxamed Xuseen Jaamac ( Wuxuu ka qalin jabiyey Jaamacadaha Soodaan)
Cabdiraxmaan Dahir Ibraahim ( Waa macalin wax ka dhiga iskuulka baxreyn)
Cabdiwahaab Axmed Dahir ( Wuxuu ka shaqeeyaa Gabiley)
Qeybta Afraad
Waa kuwa uu Sheekhu imika gacanta uu ku hayo waxaana ka mid ah 20 isu diyaarinaya iney Sheekha bedelaan. Sheekhu waa Culimada ugu waaweyn ducaadda Islaamka wuxuu ku dadaalaa nabadda iyo degenaanshaha waxaanu jecel yahay in nabad iyo isfaham lagu wada noolaado. Waa caalim cilmi uleh asal iyo faracba Alle ha daaye isaga iyo culimada Soomaliyeedba.
Sheekha waxa ka faaiideystey dad aad u fara badan ummaddana wuxuu kala kulmey aqbalitaan farabadan waa caalim balaadhan oo ummadeed noloshiisana wuxuu ku qaatey waxbarid iyo faafinta dacwadda. Waa caalim leh dhaqano iyo sifaad aad iyo aad uwanaagsan haddii lagu dayan lahaa waana dadka loo baahan yahey in lagu daydo. Hadduu bari lahaa tafsiirka oo kaliya way ku filnaan laheyd dadka wax lala yaabo maaha taasi waayo wuxuu kasoo jeedaa Sheekhu guri cilmi iyo diini taalo , gurigaas oo ku caan baxey ilaalinta diinta iyo ku dhaqankeeda sidoo kale ku caan baxey hogaaminta ummadda iyo badbaadadeeda.
Sheekhu wuxuu ahaa yaraantiisii mid aad u maskax badan aad u dagan waxbarashadana ka sareeya faciisa. Markuu Sheekhu dhameystey heerarkii waxbarasho ee uu gaadhey Shaahadada loo yaqaano Master may aheyn oo kaliya cilmiga iyo dacwadda inuu faafiyo sidoo kale waxey aheyd himiladiisu inuu dhidibadda u taago qaawacidka seeska cilmiga meelo badan.
Tani waa in ka mid ah taariikh nololeedka Sheekha mana aha mid aan halkan kusoo wada koobi karo, intii Ilaahey I waafajiyey ayaan soo uruuriyey.
Halkaa waxaan ku gabogabeyneynaa taariikh nololeedka Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir ee ah Ilaa maanta oo ku noolyahay Sheekhu Hargeysa, Ilaaheyna waxaan ka baryaynaa inuu ilaaliyo iyo inuu keyd uga dhigo islaamka iyo muslimiinta iyo inuu Alle ka yeelo dadaalka u bixinayo kii miisaanka xasaanaadkiisa kor uqaada. Aamiin Aamiin Aamiin
Wariye Idiris Maxamed Dabshid
Taariikh nololeedkan waxa diyaariyey soona uruuriyey:
Cabdirisaaq Ismaaciil Cabdi oo ah mid kamid ah ardeyda ka qalin jabisey Jaamacadda Geeska Qeybta Diraasaadka Islaamka iyo Luuqada Carabiga waxaana isku habeyaay Ahmed Coday.