“Qaalaa baluu kuma aflaxo qaafil xoogsadaye, Man qatalan nafsan aday kugu qandoodaaye!”

Beri baa nin dhagar qaba ah oo dhowr nin deegaankiisa si gardarro ah ugu dilay ayaa deegaan kale u dhuyaalay. Dhagar qabuhu mihnad ama xirfad uu ku shaqaysto ma Ma yaqaan laakiin xoogaa aftahanimo ah ayaa lagu tuhmi jiray.
Qisas Abmiyo iyo xogaa xadiis ah buu bartay ka dibna deegaankii buu shiikh isaga dhigay sidaasna wuu ku shaqo tagay.
Maalintii dambe ayaa yadoo Ramadan ah oo uu muqaaxi il yartu is qabatay dad ka wacdiyayo ayaa muqaaxidii nin garanaya oo deegaankiisii ka yimi soo fadhiistay. Wuxuu la kulmay dhagar qabihii oo leh, “qofki qof dila caqaabtiisu waa Jahanama” iyo “Qaalaa baaluu, man qatalan nafsan”.
Ninkii socdaalka ahaa intuu gartay buu labadan tuduc ee gabayga ah ku tuuray;
“Qaalaa baluu kuma aflaxo qaafil xoogsadaye,
Man qatalan nafsan aday kugu qandoodaaye!”
Sheeko hore.
Wasiir hore Maxamuud Aadan Jamac.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker