KHUDBADAHA SH. MAXAMUUD XAASHI IYO QABYA TIRE REER SOMALILAND MA KHUSEEYAAN KULMIYE AYEY U KHUBADAYNAAN.

Labada khudbadood ee ay kala jeediyeen Sh. Maxamuud  Xaashi iyo Qabyo-tire waa khudbadahoodii ay shirkii ka akhriyayaan iyagoo ah maqnayaasha joogayaasha Shirkii Kulmiye. Qofka binu Aadmiga ahina inuu hadlaa waa wax uu dareemayo inuu sii daayaa waa wax uu xaq u leeyahay haddii kale dee wuu qarxayaa. Sidaan qabo Musena u jawaabo maayo oo isagu wuxuu hoos u odhanayaa DAMEER AAN KU JOOGO …… MAXAY IGA QAADAYSAA Laakiin waxaa (interesting) ah bulshada reer SOMALILAND ee Kulmiye aan ahayn dhawaaqyadan Kaadiririinta reer Kulmiye mid hore iyo mid  dambeba siday u arkaan iyo dareenkooda.

DAREENKA bulahada reer SOMALILAND ee hoos joogtay sideedii sano EE Xukuumaddii SIILAANYO ka xannuunsaday ee og wax qabad in uu ahaa iyo wax biis ama wax boob intuu legaa ninkastaa wuxuu leexsaday oo ciddii wax uu siiyeyna  oo dhan ummaddu ay ahaayeen waa UMMADDA saboola oo masalahaa yar ku wada fadhida oon waxba u kala qarsoonayn Quraan iyo Quraan wax waliba waa DAAHIR YAA SHAMIS.
Khubadaa Sheekh Maxamuud Xaashi iyo Qabyo Tire waxay ku fiicnaan lahaayeen iyagoon jeedin khubado ku waajahan reer Kulmiye ee ay Soo diyaar garaystaan khubado ummaddoo dhan la hadlayaa reer SOMALILAND oo dhan oo si runa uga sheekaynaya waxay qabteen ee UMMADDA  u qabteen waxay qabteen EE ay reerahooda oo qudha u qabteen markay madaxda ahaayeen oo runna la sheega wax kasta.  WAXAY BAYDHSADEEN SHEEGA WAABA LA OGYEE. Runtii a way waxaan lahayd iyagoo qirta waxay xumeeyeen oo la wada ogyahay (facts iyo figures) kiina la wada hayo lana ogyey waxay ahayd SiDII MUDANE WASIIR ABGAAL AY YIDHAAHDAAN WAAR MARKAANU WASIIRADA AHAYN WAXBAA NAGU BAYDHAY AAD OGTIINE NA SAAMAXA.
Inay Muse Biixi dabeecadihiisa iyo AWTAADIHIISA UMMADDA uga sheekeeyaan Maaha   3da million ee SOMALILAND qof WALBA dabeecad buu leeyahay dabeecaddu UMMADDA ma khusayso waxaa khuseeya xilkii iyo maamulkii ,Distoorkii,Adduunkii ummaddu wada lahayd sidaa tidhaahdeen. Muse Biixi mikifoonka ha inooga xisaabinina tiiniiba isagu Mikirifoonka kamuu  xisaabine.
Markaa isku noqda waxaa qabateen iyo sidaa Muse Kursiga ku saarteen ka sheekeeya ama iska aamusa oo siyaasadda meel kale ka baadhbaadha aan Muse BIIXI waxan buu sameeyey ahayn waayo idinkaa Keenay.
Imikiyo haatanna is caddeeyaa Ma Kulmiye ayaa tihiin ma garabbaa tihiin mise waa kabaxdeen Muse Biixina iskaga hadha ilayn idinkaa kursiga Saaraye.
WAAR BAL NASLADDAN IYO DALCADDAN IYO LAMA ARAGTAN KAALAYA.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker