Taariikh Noocee ah Ayuu ka Tegi Karaa Madaxwayne Farmaajo?

Muqdisho (OWN) – 8-da bisha February  ee Sanadka 2021-ka waxaa loo ballansan yahay in baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya uu soo doorto madaxweynaha dalka Hoggaamin doona afarta sano ee soo socota, oo ka bilaabaneysa maalinkaas.

 

2-dii bishan October madaxweyne Farmaajo iyo madaxda dowlad goboleedyada ayaa soo saaray jadwal doorasho oo ay heshiis ku yihiin, kadib mudo ku dhaw bil ah oo ay Muqdisho kuwada sugaanaayeen.

 

Jadwalkaas ayaa dhigaya in doorashada madaxweynaha Soomaaliya ay dhacdo 8-da bisha Febraayo ee sanadka soo socda oo haatan ay ka harsantahay 122 maalmood.

Waxaa maalinkaas madaxweyne Farmaajo u dhamaaneysa afartii sano ee loo soortay hoggaaminta Soomaaliya oo ka soo bilaabatay 8-dii bishii Febraayo ee sanadkii 2017-kii.

 

Madaxweynaha ayaa haysta fursad uu ku dhigo laba taariikh oo aan horey u dhicin.

 

1 – Muddo kororsi la’aan: Haddii jadwalka doorashada ku dhaqan-galo sida loo qorsheeyey, madaxweyne Farmaajo waxa uu noqon doonaa madaxweynihii ugu horreeyay ee Soomaaliya ee burburka kadib soo mara oo doorashada dalka waqtigeeda ku qabta, isagoo aan maalina ku darsan.

 

Arrinta yaabka leh ayaa ah in madaxweyne Farmaajo oo muddo lagu eedeynayey inuu doonayo muddo kororsi ay  hadda U Muuqato waddo uu xitaa hal maalin ku Darsan karin muddo xileedkiisa.

 

 

Madaxweynayaashii ka horreeyey sida Xasan Sheekh iyo Shariif waxay ku darsadeen waqti lagu sheegay mid farsamo oo dhowr bilood ahaa.

Si kastaba, ma cadda in jadwalka sidan ku shaqeyn doono, balse waa fursad hortaalla madaxweynaha.

 

2 – Dib u doorasho: Sidoo kale hadii dib loo soo doorto madaxweyne Farmaajo, maadaama la aaminsanyahay in mar labaad uu isa soo sharixi doono, waxa uu noqon doonaa madaxweynihii ugu horeeyay ee Soomaaliyeed oo dib loo soo doorto.

Taariikhda kama dhicin madaxweyne Soomaaliyeed oo si sharci iyo xalaal ah dib loogu soo doortay, balse Farmaajo ayaa isku dayaya inuu taariikhdaas bedello, waana fursad furan oo uu ka dhabeyn karo.

 

Madaxweyne Farmaajo ayaa haatan heysta fursad ay taariikhda ugu geli karaan labadaan arrin ee kala ah, inuu noqdo madaxweynihii ugu horeeyay ee dalka doorasho geliya, isagoo aan maalina ku darsan iyo hadii dib loo soo doorto, inuu noqdo madaxweynihii ugu horeeyay ee mar labaad hoggaaminta Soomaaliya loo doorto.

 

Inta aan la gaarin heshiiskan doorasho ee dhexmaray dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada oo noqolkiisii koowaad uu soo baxay 17-kii bishii hore ee Sebtember, madaxweyne Farmaajo waxaa lagu xamanayey inuu doonayo mudo kororsi, ugu yaraan laba sano ah.

Halkan ka Akhriso Jadwalka Doorashada

Qalinkii Suxufi Sinyoore

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker