War Degdeg ah: Ciidammo Puntland Ka Amar qaata oo Xayiray Isusocodka Gaadiidka Degaannada Xeebaha Gobolka Sanaag

Wararka ka imanaya degaannada xeebta waqooyi ee gobolka Sanaag ayaa sheegaya in ciidammo hubaysan oo ka amar qaata maammul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ay  xayireen gaadiid inta lahubo laba gaadhi xammuul ah kuwaasoo kasoo ambabaxay magaalada Boosaaso unasii jeedey magaalada Maydh waxayna dableydani gaadiidkaas iyo rarkii saarnaaba tan iyo subaxnimadii hore ee saaka kuhaystaan  degaanka Geelweyte.

 

Lama oga ujeeddada dhabta ah ee ka danbaysa dableydan xayirtay isusocodka degaan-xeebeedyada waqooyiga gobolka Sanaag, waaxase wararka qaarkood sheegayaan in muddooyinkii ugu danbeeyeyba ay degaankaas kusugnaayeen ciidammo ubadan ciidan beeleed hubaysan oo maammulka Puntland taageero ka helaya, kuwaasoo maalinba maalinta kadanbaysa soo kordhaya.

 

Oodweynenews.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker