Wakhti Dadka Guran La Ciqaabi Jiray

Sanad walba 13-ka Bisha Ogost waxa looga dabaal dega Maalinta Caalamiga ee dadka guran ee bidixda isticmaala. Dadkaasi ayaa doorbida isticmaalka gacantooda bidix halkii ay ka adeegsan lahaayeen midigta. Dadkaasi ayuu lagu qiyaasay 10% dadka dunida ku nool.

 

Mr. Dean R. Campbell, aasaasaha Ururka Caalamiga ee dadka guran, ayaa abuubalay dabaal degan sanadkii 1976, si loo ilaaliyo xuquuqda dadka guran oo qarniyo badan la gumaadi jiray.

Diimaha oo dhan Islaamka, Yuhuudda, Kiristanka, aya ku booriyay isticmaalka gacanta midig maxaa yeelay way barakaysan tahay. Waxaana la mamnuucay adeegsiga bidixda. Oo shaydaanku isticmaalo.

Mudadkii u dhaxaysay
qarniyadii  shan iyo tobnaad iyo lix iyo tobnaad, Isbaanishka iyo Yurub waxay wadeen olole xadhig iyo jidh dil ah oo ka dhan ah daka guran.

Kaniisadda Katooliga ayaa iyana ciqaabka ka qayb ahayd waxaana adeegsiga gacanta bidix ay ahayd in qofkaa adeegsada u xidhiidh la leyahay sixir iyo Kaatoolig-diidka, iyadoo xukunkiisu ahaa dil.

Maxkamadeyntii saaxiriinta ee dalka Mareykanka ee ka dhacday tuulada Salem ee Massachusetts sanadkii 1692, ayaa gabadha  lagu magacaabo Mary Parker oo guranayd lagu eedeeyay sixir iyo fal, in kasta oo aanay  jirin wax cadeyn ah oo loo hayay, laakiin ay sabab u ahayd adeegsiga gacanta bidix.

Waxa lagu eedeeyay cadeyn buuxda u tahay la macaamilkeeda Ibliis, waana jidh dilay. Waxaa lagu qasbay inay qirato inay sixirrow tahay oo ay gacanta bidix ugu dhaaratay Shaydaanka kitaabkiisa, oo ay ka mid tahay kuwa raacsan, waxaana lagu fuliyay gubasho ka dib markii lagu xukumay in la gubo.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker