Wasiir Qambiyoow, war naga hoo!

Sidii baannu weli u cabanaynaa, Gafanihii guriga yidhi waa inoo kala badh, weli cid uu ciseeyo lama hayo, dhaqan wuu hadal daayey, sharciguna waa shaambad uu shandad yar Ku qaato. Dhaqanka uu la soo baxay, waa mid uu ka bartay hoggaamiyaha dalka.

Odayaal, ehlu diin iyo Madax dowladeed, midna kama heybadaysto. Saatka iyo Dilaaliin ayuun buu wax ku arkaa, dilaaliintuna inta uu doonayo, in bay ku biirsadaan, xaalku iminka wuxuu ku soo af jarmay Shan nambar in aanu bixinno, haddaanu doonayno in aannu guriga dhamays tirro, waa haddii aanu quudhsiga iyo sharci darrada ogolaanno.
Xisbiyada mucaaradka iyo dadweynaha muxaafidka ahba waa in ay bilaabaan oo ka badheedhaan sida ayna raali uga ahayn hoggaaminta Xukuumaddan,  Agaasimayaashii Wasiirro ka dhigtay, Wasiirraddiina Agaasimayaal ka dhigtay, badidooda. Hoggaankeenu wuxuu halhays ka dhigtay ‘ aynu is aammino ‘ isaga oo aan afka baarkiisa dhaafin. Caafimaadka maskaxdiisana waa in la baadho hadaynaan doonayn in aynu cidla’ weheshano, dimuqraadiyaddana yaynaan meel kaga dhicin. Wixii Xukuumaddii hore qorshaysay ma ay sii wadin xukuumaddani, hal abuur cusubna lamay iman, wax waliba waa qowda maqashii.
Ma jixin jixe, ayaa raggii usoo halgamey, qaarna muraara dilaac ay caawa inaga hooseeyaan, qaarkood sibiq dhaqaaqeen, qaarna yaab, labada dhaban haystaan. Wuxuu iminka adeegsadaa oo uu meel kasta dhigtay ma xishoodayaal, maskax yar oo wax yar iyo han yar lagu maalo.
Gobolka Togdheer waxaa Ku habsadey Madax, dowlad hoose iyo mid dhexe oo bajaajka, baska, tagsiga hantida gaarka iyo ganacsiga, guud ahaan ninba Naas loo xidhay, qaarna dhan loo maro caanaha Maandeeq.
Waxaan u soo jeedinayaa Madaxda dhaqanka ee uu hoggaanka u yahay Suldaanka Guud, in Bari iyo Galbeedba laga arrinsado xaaladdan adag ee aynu muddoba ku samreyney.
Burco iyadoo isku habar ah, dhan bay u wada codayn doonaan, wayna ogyihiin in aanay ka duwanaan doonin balamihii hore ee hoggaanka dalka lagu hantiyey, in maantana Maxamed lagu yidhaahdo ” adiga ayaa igu xiga, marka aad mar labaad kursiga i saartid, weliba goor horaan kuu tanaasulayaa, inta aadan talax gabin. Ma aamini lahayd haddaad Yoonis Cali, Maxamed Baashe, Ducaale, Mareexaan ama aad Caddaani tahay. Shirka Kulmiye ma tegi lahayd, wejiga madaxweynaha ma qaayibi lahayd?
Bashiir Tarabbi Oogle.
Boorama, Soomaalilaan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker