Kootada Korontada Sompower iyo Kaddeedka Bulshada ee Naf iyo Maalba leh?. Warbixin.

Shirkada Kootada loogu xidhay Laydhka Magaalada Hargeysa ee Sompower, ayaa kadeed iyo tacadi joogto ah, ku haysa bulshada ku dhaqan Magaalooyinka waaweyn ee Somaliland, gaar ahaan Magaalada Hargeysa oo ah Caasimada dalka Jamhuuriyadda  Somaliland oo ay ku nool yihiin mujtamaca ugu badan, waxay Shirkada Sompower ku haysaa dhibbaato saamaysay guri kasta, oo adeega Laydhkoodu ku jiro.
Adeega ay bixiso Shirkada Kootada loogu xidhay Laydhka Hargeysa ee Sompower, oo ah adeeg daruuriya, ayaa waxa uu sabaaba khasaare dhinacyo badan taabanaya, isla markaana is kugu jira Khasaare naffeed iyo mid hantiyeed, waxana u sabaaba in Laydhka Sompower noqday midka ugu dhib gaadhsiinta badan Bulshada, in aanay Masuuliyiinta Shirkaddu xil iska saarin nafta Bini’aadamka iyo hantidooda, taas bedelkeeda na ay Lacagta xad-dhaafka ah ee ay guri walba ka qaataan uu gurtaan, maadaama oo ay Kooto loogu xidhay inta badan Laydhka Caasimada Somaliland ee Hargeysa.
Laydhk Sompower waxa habeen iyo maalin si joogto ah, khasaare u gaadhsiiya Bulshada isticmaasha, khasaarahaas oo sidaynu sheegnay xataa ay ku jiraan naffaaha Bini’aadamka, sidoo kale Bishiiba dhowr jeer, waxa uu sabaaba Laydhka Sompower gubashada guryaha dadweynaha. Iyadoo aanay haba-yaraatee wax garoowshiiyo ama maw-dhow ah aanay siin cida ay dhibka hantiyeed ama naffeed u gaystaan.
Haddaba goorma ayey Bulshadu ku baraarigi doontaa oo ay iska tuuri-doonaan heeryada kootada ah ee Sompower.
Sidoo kale, goorma ayey dawlada Somaliland Bulshada ka qaban-doontaa Shirkada dhiig-miiratada ah ee Sompower, oo caadaystay dulmiga umadda Somaliland, isla markaana umadda isaggu dartay qiimme qaaliya iyo waxyeelo joogto ah. Fadlan Muwaadin fikirkaaga ku diid dulmi wadayaasha dhiiga iyo Hantida umada bannaystay ee Sompower.
Xogreeb News

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker