Ole Gunnar Solskjer Oo Qirtay In Man United Aanay Guusha U Qalmayn

 

Ole Gunnar Solskjaer ayaa ku kaftamay inay u fiicnayd kooxdiisa in aanu Jose Mourinho joogin Amex Stadium, kaddib markii ay kooxdiisu guul ka gaadhay Brighton oo ay saddexda dhibcood kaga qaadatay rikoodhe loo dhigay kaddib markii la yeedhiyey siidhiga dhamaadka ciyaarta.

Manchester United ayaa noqotay kooxdii ugu horreysay ee ciyaarta oo dhamaatay la amray inay dib u bilaabato oo ay rikoodhe laagato, waxaana sidaas xukumay VAR oo xilligii uu garsooruhu yeedhiyey siidhiga dhamaadka go’aamiyey in United ay xaq u leedahay rikoodhe ay guusha ku qaadato ka hor inta aan garoonka laga bixin.

 

Ole Gunnar Solskjaer oo warbaahinta la hadlayey markii ay ciyaartu dhamaatay ayaa waxa uu sheegay in kooxdiisu ay u qalmaysay inay ugu yaraan hal dhibic kala baxdo garoonka oo ay barbarro ku dhamaato ciyaartu, laakiin waxa uu ka gaabsaday inuu si cad u sheego in Red Devils ay guusha ciyaarta u qalmaysay.
“Waxa laga yaabaa inaanu hal dhibic u qalmaynay, wax ka badan umaanaan qalmaynin. Laakiin dhaqanka ayaa wax ka badan u qalmayay.” Ayuu yidhi Solskjaer.

 

Tababaraha reer Norway waxa isaga oo ku jira waraysiga uu xasuustay in kulamadii Europa League ee toddobaadkii hore uu Jose Mourinho dalbaday in la beddelo biraha goolka oo la ogaaday inay ka yar yihiin cabbirka goolasha caadiga ah, waxaanu ka dhigtay arrin lagu maadsado, waxaanu yidhi: “Xilli ciyaareedkii hore, waxa aanu galnay barbarro badan oo dheeraad weyn noo ahaa. Waa inaad ku faraxdo in Jose aanu halkan joogin oo aanu cabbirayn biraha goolka

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker