Saboolkii Maalqabeenka Noqday!

Kenny A. Troutt  Waa nin Maraykan oo ku dhashay sanadkii 1948 Mount Vernon, ee dakaasi.. Waxa uu ahaa sabool inta badan qaban jiray shaqooyin halis ah oo hoose si uu kharashka waxbarashadiisa iskaga bixiyo.

Jaamacadda Southern Illinoir oo uu dhigan jiray waxa uu ka baxay isagoo naftiisa rahmaad u dhigay inuu kharashka waxbrashadiisa soo celin doono ka dib markii uu waayay lacagtii uu ku bixin lahaa Fiiga.

Mr.Kenny ayaa Sanadkii 1988 asaasay shirkadda isgaadhsiinta ee Excel oo xarunteedu tahay Texas, taasi oo bixisa adeega telefoonka masaafadda dheer, Shirkaddan ayaa noqotay shirkad caan ah oo baahi weyn loo qabay iyadoo si dhakhso ah u heshay macmiil fara badan. Waxay ahayd mid sanad kasta koraysa. Sanadkii 1996 ay noqotay mid ka mid shirkadaha ugu caansan dalkaasi,

Shirkaddu markii ay caan ka noqotay dalka Maraykanka, waxa laba sano ka dib ka iibsaday shirkad lagu magacaabo Teleglobe waxaana ay ku iibsatay hanti dhan 3.5 bilyan doller.  Dadaalkiisa ayaa keenay inuu ka baxo saboolnimada oo ka mid noqdo maalqabeenada sare.

Maanta Kenny Troutt waa mulkiilaha beerta Winstar oo ah beer lagu dhaqo fardaha asalka , oo  balaceedu dhan yahay 2400 hector.   Sanadkii 2005 ayuu bilaabay inuu maalgeliyo saddex kooxood oo kubada kolyaga ah kuwaasi oo sanadkii u sameeyay miisaaniyad dhan 3 milyan doller. Waxa kale oo ka qayb qaatay dhismayaasha wadooyinka iyo meelaha bulshada u baahan tahay in wax laga qabto.  Kenny waxa uu ku guulaystay sanado kala duwan tartanka beeraja ee dalkaasi iyadoo la siiyay abaalmarino kala duwan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker