Labada Aqal ee Baarlamaanka Oo Ansixiyey Heshiiskii Laga Gaadhay Doorashada Somaliya.

 

 

Labada aqal ee Baarlamaanka dalka ayaa ansixiyey heshiiska siyaasadeed ee doorashada oo ay 17-dii bishan ku gaadheen magaalada Muqdisho dawladda Federaalka Soomaaliya, dawlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

 

252 Xildhibaan ayaa u ansixiyey heshiiska waxaa diiday 2 mudane iyadoo 1 xildhibaan uu ka amausay sida uu ku dhawaaqay gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Shiikh Cabdiraxmaan.

 

 

Ansixinta ka hor xildhibaanada labada aqal ayaa yeeshay dood ku saabsan heshiiskan, iyadoo xildhibaanada badankood ay taageerayeen in la meel mariyo inkastoo ay jireen xildhibaano diidanaa ama ku baaqayey in wax laga bedelo.

 

7-kii bishan Sibteembar ayey aheyd markii madaxweynaha Soomaaliya iyo madaxweynayaasha maamul goboleedyada Puntland, Galmudug, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed, Jubaland iyo gudoomiyaha gobolka Banaadir ay kala saxiixdeen heshiiskaasi.

 

Waxa ay madaxdu ku heshiiyeen in doorashadu ay waqtigeeda ku dhacdo, iyadoo qodob ka mid ah qodobada lagu heshiiyay ayaa dhigayay in heshiiska la horgeeyo baarlamaanka federaalka ee Soomaaliya, sidaas daraadeedna maanta ayet xildhibaannadu ka doodi doonaan heshiiskaasi islamarkaana ay cod u qaadaan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker