Dagaal Xadka Balad-xaawo ku Dhexmaray Ciidamada Kenya iyo Somaliya.

 

Iska hor imaad kooban oo barqanimadii maanta ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Kenya ku dhex-maray duleedka magaalada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo.

Iska hor imaadka ayaa yimid, kadib markii ciidamada Kenya ee jooga xadka ay rasaas ku fureen dibad-baxayaal careysan oo ka tallaabaday Beled-Xaawo, waxaana xigtay rasaas ay dhankooda ku wajaabeen ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan halkaasi.

 

Wararka ayaa sheegaya in dagaal muddo kooban socday uu ka dhacay halkaasi, inkastoo aan la ogeyn khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay.

Mid ka mid ah waxgaradka Beled-Xaawo ayaa ka warbixiyey sida ay wax u dhaceen, wuxuuna sheegay in haatan xaaladdu ay tahay mid degan.

 

“Dad dibadbaxayay oo ka cadhaysan falka Ciidamada kenya ay ku dhibaateeyeen shacabka ayaa ka gudbay dhanka Baladxaawo, muddo kooban kadib waxaa rasaas kusoo riday Ciidamo Kenyan ah, markii dambe waxaa rasaas aan badneen isku tuur-tuuray Askarta DFS & Kuwa Kenya, balse way joogsatay, xaalku waa degen yahay” Idiris Aadan oo ka mid ah Odoyaasha dhaqanka ee ku sugan degmada Balad-Xaawo.

 

Isku dhacan ayaa isku aadaya, iyada oo haatan xiisad xoogan oo ka dhalay tacadiyo ciidamada Kenya ay ka geysteen degmada Ceelwaaq uu ka taagan yahay gobolka Gedo, waxaana maanta inta badan ka dhacay degmooyinka gobolkaasi dibad-baxyo ballaan

https://youtu.be/0KC0yFouR8g?t=1

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker