“Amar ayuu ALLE SW innagu siiyey Adeecidda Nabiga CSW iyo Qaadashada Qowlkiisa iyo Ficilkiisaba.” Sheekh Diri

Sheekh Muxummed Sheekh Cumar Dirir ayaa bulshada ku baraarujiyey dhallinyarada baraha bulshada had iyo jeer akhriya ee shubuhaadka iyo waswaaska lagu furayo akhriyaan caddeymaha iyo jawaabaha culimada, aqoontoodana ballaadhiyaan, diinta saxda ah cidda laga qaadanayana waa Nabi Muxummed CSw iyo saxaabadiisii RC iyo in meelaha loo raadsado, shubuhaadkaana in laga feegijnaado

Khudbadii Jimcaha maanta (Shalay) oo uu kaga hadlay ku dhaqanka sunnada Nabiga CSW ayaa sheegay inay waajib tahay ku dhaqanka axaadiista nabiga CSW loona daliishado sida quraanka loo daliishanayo.

“Waxa jira dad muslimiin sheeganaya  loona yaqaan munkiriin al xadiis, oo ah dad diiddan in xadiiska Nabiga CSW yahay mid la daliishado, oo leh Quraanka oo keliyaa innagu fillan, dhinaca diinta marka la eego, arrintaasi immika ma bilaabmin balse qarnigii saddexaad ayey soo bilaabmatay, culimada aad u radiyey wax aka mid ahaa Imaamul shaafici Raximahulaah, casrigana iyadoo la cusboonaysiiyey oo la xayeysiinayo ayey iclaamka ka soconaysaa, da’yartana lagu duufsanayaa.

Sheekh Muxummed ayaa sheegay in loo baahan yahay ogaanshaha daliilada Quraanka iyo xadiiska ee sheegaya Nabi Muxammed CSW qawlkiisa, camalkiisa iyo taqriirkiisa(waxii dadkoo samaynaya uu arkay isla markaana uu daayey)  intuba inay daliil yihiin.

“Hadii la yidhaahdo sunnada Nabiga CSW daliil maaha waa diinta halaga tago, waxaynu ognahay in Quraanku inna faray salaada, sakada, soomka, iyo xajka, laakiin, faahfaahintooda iyo habka loola imanayo Nabigaa CSW caddeeyey. Ilaahay SW isagoo arrinkaa ka hadlaya waxuu yidhi “Qofka Rasuulka CSW adeeca eek a tallo qaata, ee sunnadiisa qaata Ilaahay SW ayuu aqbalay, ka diidana adigu (Nabiga CSW) ilaalin maysid anniguna waan dultaagnahay, oo ciqaabayaa.”

“Quraanka Ayaan kugu soo dejiyey si aad dadka ugu sharaaxdo oo ugu faahfaahiso, markaa xadiiska uu Nabigu CSW quraanka ku fasirayo waa in la qaataa. Hadii tafsiirka Nabiaga CSw aan la qaadan, aayadan ayaa la diidayaa ayey ka dhigan tahay. Ilaahay SW waxuu aayad inoogu sheegay “Salaada ooga, sekada bixiya, Rasuulka CSw ka talloqaata, si la idiinku naxariisto.” Amar ayuu Ilaahay innagu siiyey inaynu Nebiga adeecno, qowlkiisa iyo ficilkiisana qaadano” aayad kale Ilaahay Sw waxuu inoogu sheegay “Haka feejignaadeen belaayo iyo cadaab weyn, kuwa khilaafa amarka Nabiga CSW, ee diida waxuu farayo innay qaataan, ama ka hadhaan waxuu ka reebay.” Daliilkii nebiga CSw ayaa Ilaahay SW daliil kale ku ladhay, sida aayad “Waxii Rasuulku CSW idin farro qaata, waxuu idiin diido ka hadha.

Sheekh Muxummed oo ka hadlay axaadiista Nabiga CSW ee caddeynaya in xadiiskiisu yahay xujo iyo daliil lagu dhaqmayo, waxuu Nabigu CSW yidhi “Qofkii iga talloqaata Ilaahay SW ayuu adeecay, qofka anniga I caasiya Ilaahay SW ayuu caasiyey”  xadiis kale oo  Bukhaari weriyey waxuu Nabigu CSw yidhi, “Ummada oo dhan jannada ayey gelayaan, mid diida mooyee” Qofkii I adeeca janaduu gelyaa, qofkii I caasiya jannadii ayuu diiday, waa janno ka bood.

Sheekh Muxummed ayaa sheegay in arrinka Nabiga CSw loo sii nuuriyey inay soo bixi doonaan dad sunno diid ah, wuu ka sii digayaa Nabigu CSW xadiis saxeex ah “Dadoow ogaada oo baraaruga, anniga Ilaahay SW waxuu I siiyey Quraanka iyo in le’eg oo sunnada iyo xadiiska ah” oo lagu dhaqmayo sida quraanka loogu dhaqmayo, nin dheregsan oo sariirtiisa ku jiifa yaanu odhan annagu waxuu quraanka aanu ka helo waanu qaadan xalaashiisa iyo xaaraantiisana waanu iska deyn, laakiin wax kale iyo sunnada ma raacayno” Nabigu CSw taas ayuu ka sii digay waana ta dhacday.

Khudbadii Xajatul-wadaac hadalkii uu Nabigu CSw dadka farayey inay dadka sii gaadhsiiyaan ayey ka mid ahayd, “Qofkiina joogaa ha gaadhsiiyo ka maqan” sidaa ayey u fahmeen qarnigii qiimaha badnaa ee saxaabadii Nabiga CSW, waxay ugu dhaqmeen sida quraanka qowlka Nabiga CSW, loona raacayo axaadiistiisa sida ay tilmaamayaan. Marka ay Quraanka arrin ka waayaan, sunnada Nabiga CSw ayey ka raadinayeen, hadaanu axsaaxigu xafidsanayna, asxaabta kale ayuu weydiinayey, sida ayey khulafadiina hormood ugu ahaayeen. Haddaynu tusaaleyaal ka soo qaadano, markii Nabigu CSW dhintay carabta intii badnayd way ridoobeen oo diintii way ka noqdeen, qaarkoodna sakadii ayey diideen, Saxaabigii Abubakar RC waxuu go;aan ku qaatay inuu la dagaalamo, waxuu daliishanayey xadiiskii Nabiga CSW “Sakada iyo salaada qofkii kala saara waan la dagaalami”

Saxaabigii Abubakar RC wakhtiguu madaxda ahaa waxa u timi ruux dumar ah, waxay tidhi ilmo aan ayeeyo u ahay ayaa dhintay, dhaxalkiisi Ayaan wax ka doonayaa? Waxuu Abubakar RC ugu jawaabay ‘annigu quraanka waxba kuma hayo, xukun uu Nabigu CSW ayeeyo wax u xukumayna ma hayo, balse asxaabta aan wareysto, waxay ka markhaatio kaceen in Nabigu CSW ayeeyada siiyey sudus (lix meelood meel) markii xadiiskaasi sugmay, wuu ku camal falay, waanu ku dhaqmay, ummaduna sidaa ayey ku raacday. Mar hadaan aayad sheegin xadiiska ayuu qaatay.

Saxaabigii Cusmaan binu Cafaan RC wakhtiguu madaxda ahaa ayaa la weydiiyey ruuxa dumarka ah marka ninkeedu ka dhinto ee asayda ay sido ma gurigeeda ayey joogaysaa, mise way iska baxayasaa, oo xaafadaheeda aadaysaa? Oo gabadhii la furay la mid maaha? Arrinkaa cilmi kama hayne asxaabtii ayuu weydiiyey, markaa ruux dumar ah ayaa caddeysay oo la odhan jiray Furaycata bintu maalik, oo tidhi ‘markii ninkaygu geeryooday, ee arinkii aan Nabiga CSW u sheegay waxuu I faray inaan gurigaa ku cido tirsado ilaa ay dhamaanayso, tii ayuu xukumay.

Cimraan ibnu xussayn RC oo asxaabtii waaweynayd ka mid ahaa ayaa maalin isagoo sunnadii iyo axaadiistii Nabiga CSw dadka u sharxaya, taabiciintii ka dambeeyey ayuu nin ku celceliyey Quraanka wax nooga sheeg, Quraanka wax nooga sheeg? Ka dib intuu aad u cadhooday ugu jawaabay ‘Xadiisku waa sharaxaadii Quraanka, hadii aanu jirina maad garateen salaada duhur inay afar rakcadood tahay.’ Salaada hala tukado ayuu Ilaahay SW yidhi, laakiin wakhtiyada la tukanayo iyo sida loo tulanayo axaadiista Nabiga CSw ayaa sheegtay. Xadiiskii aan ka tagno macnaheedu waa salaadii wakhtiyadeeda iyo rakcadaheeda garan mayno? Sidoo kale asxaabtii RC oo dhan la mid bay ahaayeen marka sunnaha laga soo horjeesto aad ayey uga cadhoon jireen.

Saxaabigii Cabdilaahi ibnu Cumar RC, sunnaha Nabiga CSw aad ugu dhaqmi jiray ayaa xadiis weriyey dadkii uu u sheegay caruurtiisa midkood ku jiray xadiiska ahaa “Dumarka Ilaahay SW ha u diidina masaajidada Ilaahay SW” inay ku soo cibaadaystaan. Inan caruurtiisa ka mid ahaa oo yara xamaasadaysnaa, hinaasena ku jiray ayaa yidhi ‘Walaahi inaan u diidi? Dumarku wakhtigan caadi maaha, oo si aan caadi ahayn ayey u socdaan, waanu u diidi? Cabdilaahi RC ayaa ugu jawaabay ‘Ma sunnadii Nabiga CSw Ayaan wax kaaga sheegay ood ka soo horjeedsatay? Aad ayuu u caayey, ruwaadaayda qaar waxay sheegaan inuu innakii Ilaahay SW dartii u deyriyey, dibna ula hadlin.

Waxa la mid ahaa isaguna saxaabiga la odhan jiran jiray Cabdullahi ibnu muqafal, wacdi ayuu jeediyey ka mid ahayn in Nabigu CSW diiday khagaxa faniinka ama bahalka shimbira-laayaha caruurtu qaadato, xadiisku waxuu sheegayaa inaau ugaadhna kuu soo qabanayn, cadowna waxba kaaga tarayn, laakiin iligana jebiyo, ishana soo rido? Taasoo Nabigu CSW diiday isticmaalkiisa. Nin qaraabadiisii ka mid ah ayuu arkay oo xadiiska dhegeystay haddana isticmaalaya, intuu ninkii huruufay ayuu ku yidhi dib kuula hadli mayo, halkaa ha inoo joogto, kol hadaad diintii Ilaahay SW iyo sunnadii Nabiga CSw diiday. Sidaa ayey ahaayeen asxaabtu RC, waa cidda aynu kaga dayayeyno sida diinta loo raacayo looguna dhaqmayo.

Sheikh Muxummed oo ka hadlayey waxyaalada dadka diida ku dhaqanka axaadiisa Nabiga CSw daliishadaan, bulshadana uga digaya ayaa yidhi, dhow arrimood ayey sheegaan shubuhaad ah culimaduna ka wada jawaabeen, midkoodna daliil dhab ah noqon Karin

        Waxay yidhaahdaan Quraanka ayaa innagu filan sida ?Ilaahay SW u yidhi “Kitaabka waxba kumaanu dhaafin” laakiin culimadu waxay kaga jawaabeen kitaabka la sheegayo waa Lawxul-maxfuudka.

        Aayad kaloo ay daliishadaan oo Ilaahay SW ku sheegay “Quraanka Ayaan kugu soo dejinay isagoo wax walba caddeynaya” culimadu waxay ugu jawaabeen Haa, oo wax aka mid ah inuu Nabigu CSW fasiray aayadaha la isla akhrinayo, sida aayad tilmaamaysa “Waxaan Quraanka kugu soo dejinay si aad dadka ugu caddeyso”

        Waxay daliishadaan aayad Ilaahay SW ku sheegay “Maanta waan idiin dhamaystiray diintiina” markii Nabigu CSw xajkii ugu dambeeyey joogay, sowta diintii la dhamaystiray ayey yidhaahdaan, waa maxay waxa la daba wado? Culimadu waxay ugu jawaabeen diinta wax aka mid ah sunnada Nabiga CSW, diin asalkeedu waa quraanka iyo sunnada.

        Waxay ku doodaan sunnadu waxyi maaha? Laakiin Ilaahay Sw ayaa ta aka hadlay oo yidhi “Afka Nabiga CSW waxa ka soo baxaa waa waxyi”

        Waxay ku doodaan markii Nabigu CSW qawlkiisa odhanayey, ficiladiisa samaynayey, inuu sharci dadka ugu dejiyo ugama jeedin? Ee sharcidejintu waa quraanka, taana waxuu Nabigu CSw ku beeniyey ilayn isaga ayey wax ka werinayaane, waaka yidhi “Ilaahay Sw waxuu I siiyey Quraanka iyo in le’eg oo sunnaha iyo axaadiista ee nin dhergay oo sariirtiisa jiifa yaanu diidin.”

        Waxay yidhaahdaan waa sababta kala taga, ummadu intii ay quraanka haysatay ee Nabigu CSw noolaa way middaysnaayeen, laakiin markii axaadiista la qoray ayey ummadu is khilaaftay? Culimadu waxay ugu jawaabeen sharciga Quraanka iyo sunnaha diintu waa muqadas, oo iyagu ceeb ma laha, ummadu hadii ay is khilaaftay, sababteedu iyaguu ka yimi, laakiin sharciga looma aanayn karo.

        Waxay sheegaan hadii lagu dhaqmo sunnaha Nabiga CSW miyaanay noqonayn in Ilaahay SW cid kale la raaciyey la yidhi iyadaa shaciga dejinaysa? Sowka Ilaahay SW yidhi “Xukunka Ilaahay SW keligii ayaa leh” xukunka Ilaahay SW keligii ayaa leh, oo hadii la yidhaahdo Nabigaa CSw sharci dejiyey, miyaanay cid kaloo sharci dejin soo bixin? Markaa xadiiska aayadaa ayaa diideysa ayey yidhaahdaan? Culimadu waxay ugu jawaabeen Ilaahii Sw sharciga dejinayey ayaa aayadahan aynu soo khrinay innagu faray in Nabigu CSw sharciga inoo dejinayo, waxuu Nabigu inoo keenaana waa wax Ilaahay SW ogol yahay.

        Waxay yidhaahdaan sunnaha Nabiga CSw lama xafidin, sida Ilaahay u ballanqaaday inuu Quraanka ilaalinayo “Quraanka anaa soo dejiyey ilaalinayana” sunnaha Nabiga CSw lama ilaalin ee wax badan ayaa lagu dhexdaray? Waa beentii ayaa la yidhi Ilaahay SW wuu ilaaliyey, waxuu ku ilaaliyey culimo kala shiilay, waana la kala yaqaanaa sunnaha sugan iyo kuwa la sameeyey ee daciifka ah, waanay qoran yihiin. Culimadu jawaabahaa iyo kuwo ka sii faahfaahfsan ayey siiyeen. Markaa waxaynu u sheegayaa dhalinyarada baraha bulshada had iyo jeer akhriya ee shubuhaadka iyo waswaaska lagu furayo akhriyaan caddeymaha iyo jawaabaha culimada, aqoontoodana balaadhiyaan, diinta saxda ah cidda laga qaadanayana waa Nabi Muxummed CSw iyo saxaabadiisee RC loo raadsado, shubuhaadkaana laga feegijnaado.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker