Jiir ku Guulaystay Abaalmarin Caalami ah +Sawiradda

Warbaahinta caalamka kuwooda ugu afka dheer ayaa ku waramay in jiirkan oo lagu magacaabo Magawa in Loo adeegsaday in lagu baadho laguna soo saaro ilaa 39 miinooyin ah iyo 28 hub aan qarxin ah.

 

Hay’ad qaabilsan Xanaada Xoolaha oo xarunteeda tahay dalka Britain ayaa jiirkan oo lagu tilmaamay mid aan caadi aheyn gudoonsiisay bilad dahab si loogu abaal mariyo jiirkan oo gacan ka geestay in lasoo saaro miinooyin badan.

” Jiirkan geesiga ah oo Shaqadiisa aheyd badbaadinta nolosha gaar ahaan deegaan

 

Uu kasoo saaray miinooyinka halista ah ee dalka Cambodia, ” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Hay’adda PDSA.

Bilada Dahabka ah ee la siiyay Jiirkan laga kenay dalka Tanzaaniya ayaa lagu dul qoray Xayawaanka geesiga ah ee shaqada sida daacadda ah u qabtay, waxaana jiirkan abaal marinta helay lagu soo tababaray dalka Biljamka.

 

Madaxa fullinta ee ha’yadda Apopo, Christophe Cox oo jiirkan gacanta ku heysa ayaa si weyn usoo dhaweesay abaal marinta uu ku guuleestay jiirka ay gacanta ku hayaan, waxa uuna jiirkan tilmaamay in la baray baadhista miinooyin iyo waxyaabo kale.

 

Jiirkan cajiibka ah ee helay abaalmarinta Dahabka ah ayaa loo tababaray in uu uriyo walxaha qarxa, wuxuuna si deg deg ah ku ogaanayaa goobta ay ku aasan tahay miinada, taas oo khuburada u fududeyneyso inay soo saaraan miinada.

 

 

 

 

Bilada Dahabka ah ee

 

 

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker