Maanso : GOBTA LAGU CIYAARAY

Shacab-kaygan gama,sane

Dacawiyo gafana-yaal

Godka ugu xeraysane

Gosan-yari utaliyaan

Gobtan lagu ciyaaraay

Meeday garasha-diinii

Caaqil-kii gargaariyo

Geesigii u dhiidhiya

Ma intii go,day hayd

.

 

Ka gilgilo xumaan-too

Feydkana u gaabsada

Goor kastaba usheegee

Hadday galab dhaqaa qaan

Mayaday-su geystaan

Waxba gaadhi maayaan

Gun-nimaa ka hadhilayd

Gungumahan jaqaa-yiyo

Afartaa gahayr-baa

Gaal-shire ku jirilaa

.

 

Niman-kii gadoodee

Galka seef kajara-yee

Kaa riday gumays-tii

Hadday garanyaan sidan

Dhawr wasiiroo googo,ay

Gadh wadeen inay yiin

May galeen jahaad-kii

Geerina ma doonteen

.

 

Immikiyo go,aankii

Jeeroo la gawraco

Guluubada wan weynina

Guudka sare ma eegaan

Soo jog qofkaan garan

Soo jiifsabuu geli

Siddi-siddi garaacdee

Dhuldhaceeda maad geli

Gogol wacani waa nabad

Waa caddaalad gurigeed

.

 

Haddii kalana gubashiyo

gurrac ay u socotiyo

ku danbaysay gegi madhan

markuu geela dhalay yidhi

cashuur baan ka gurayaa

GIIBBA  kibir ayaa dilay  (wuxuu ahaa badhasaab ingiriisa )

Geel jire cadhoodaa

Uga jaray gantaalii

Gefka lagu celceliyana

Aakhir-kii gumaad noqoy

 

Mahadna  (ALLAA ) iskale

Maxamuud cismaan  ( moholin)

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker