Gorfeyn : Buugga Doolaal Qoraha Buugga: Maxamed Yuusuf Badda

Hordhac:

Waa buug si bilicsan loo xardhey,loona doorey muuqaal sare oo indhaha soo jiidanaya. Waa
khariidada aduunka oo dhinaca sare ee jaldiga hore ku fidsan, dhinaca hoosena ay ku muujisan
tahay buurtii Naaso Hablood ee magaalao madaxda dalka Soomaaliland ee Hargeysa.
Inta aanad buugga gudagelin ayaa muuqaaladaasi kugu ridayaan inuu buuggu socdaal dheer ku
marin doono. Socdaalkaasi oo ka bilaabmaya magaalada Hargeysa, ka dibna kolba dhinaca kuula
jibaaxaya aduunka. Dareenka ka dhasha socdaalakaasi wuxuu kugu beerayaa in aad u xadhko
xidhato, yeelatana dulqaad badan.

Sidoo kale ayaa dareenkaasi mar kugu wargelinayaa inaad siwaydiiso socdaalku ma
mid dhib badan buu noqon,mise mid indhahana u roon, naftana ku habaya nimcada taala
aduun weynaha meelo badan oo safarkaa lagu sii mari doono.
Si kastaba ha noqotee waa buug leh dareen u gaar ah oo uu jaldigu in badan gudbinayo.
Fariintaa jaldigu qabo ee socdaalkaa baaxad-sooraha ina saaraya ayuu inoogu sii ladhey qoraagu
maanso uu curinteeda leeyahay,waxaanu yidhi:
Ninka bari ilaa iyo galbeed hawdka laga baafsho
Nin bidhaanta araggiisa qudha lagu bushaaraysto
Burji iyo nin bili’ laan ahoo bilo la naadshaaye
Iga bogo wax badan baa la yidhi ina Bidhiidh meeye!
– Tuducyo ka mid ah gabaygii ”Badda” Maxamed Yuusuf
Bidhiidh (Badda)
Hanoqaad iyo Hanaqgoyn!!!
Inagoo qabna dareenka uu jaldigu inala wadaagey ayaa qoraagu ina dhex joojinayaa Hargeysa,
isagoo inala wadaagaya waayihiisii ku gadaamnaa korniinka. Sidaad u dhex jibaaxeyso qoraaga
oo nolol wanaagsan ku dhex jira, hiigsanaaya hanashadii naftiisa, dugsigii sarena madaxa la
galey ayuu ku soo hordhigayaa dawladii Habaarqabto ee Ina Siyaad iyo hagardaamadeedii.
Waxay dawladaasi u badheedhay inay hanaq-goyso dhalinta danahooga u heelan. Waxay
dawladii habaarqabto birta qoorgeynta la beegsatey hormoodka guusha dhalinyaradan isu
igmadey.
Waa aqoonyahano isdirey mushahar la tilmaamo oo noloshooda meel buuxiyana aan la siin; waa
aqoonyahano dareemay ayaandarada ku habsatey dhalinyaradan ah mustaqbalkii bulshada; waa
aqoonyahano u dhaqaaqey wax ka qabashada dhibta waxbarasho iyo caafimaad ee jirtey; waa
aqoonyahano noloshooda u hurey inay dalka iyo dadka wax u qabtaan; waa …; waa;
Markaasuu qoraagu ka mid noqdey kuwii iskugu habarwacdey u hiilinta aqoonyahanadaa
sooyaalka taariikhda ku galey dhalintii UFFO, horena ardeydani waay u qabeen dareen hore oo
waxay samaysteen ururo dhalinyaro .
Magac ka miskiin maaha!
Qoraaga Maxamed Yuusuf Badda wuxuu buugga magac uga dhigay Doolaal oo fariinta buuggu
xambaarsan yahay aad u sii taageeraysa. Waxaa kaloo la inoo raaciyey magac hoosaad ujeedada
buugga iyo waayahay la dhex jibaaxayo inoo soo koobaya oo noqotey “Hayaankii
Noloshayda”. Labada magac marka la isku daro waxay soo koobayaan in socdaalkaas aynu ku
joogno ee uu qoraagu kolba meel uu cagta dhigay inala wadaagayo. Magac yaruhuna wuxuu soo
xadidadayaa gudbinta socdaalkaasi inay ku wareegayso waayihii kala duwanaa ee qoraagala
soo noolaa.
Waa socdaal barasho ah, sooyaalkii hore ee degaankana qoraagu intuu baadhid sameeyey inoogu
darey si aynu aqoon dhameystiran faraqa uga buuxsano. Sidaad meel doog qurux badan leh u
dhex jibaaxeyso, eed guryaha iyo wadooyinka la habeeyey kolba isha la raaceyso ayuu qoraagu
dib kuu soo celinayaa kuna soo hor dhigayaa inay aheyd dhul Islaamku hantiyey berigii
Ottoman-kii, markaasuu kuu kaxeynayaa meelihii mudnaa ee taariikhdaa laga sii arki karo sida
masaajidada.
Socdaal barasho juqraafi iyo taariikheed oo goobo sidaa u badan la dhex joogsanayo, in lagaga
bogan karana la joogayo ayuu buuggu xambaarsan. Waa dardaaran iyo digniin ishuwan;waa
dhiirigelin iyo dhiilo wade; wuxuu huwan yahay xariir, haddana waxaa weheliya xanuun badan;
waa kacaa-kuf nololeed dhankaad ka eegtaba;
Alla Xanuun Badanaa!!!!
Qoraaga ayaa inala wadaagaya dareenka bani’aadmiga ku jira ee wax korodhso ahi siduu isagu
u waajahay. Qof kastaa wuxuu waagi baryaba ku hamiyaa inuu wax korodhsado .Waxaaad
arkeysaa qoraaga oo dhex fadhiya reerkiisii , isagoo isla garnaqsanaya, is waydiiyeyna wax
waad korodhsan kartaaye ee intan Illaahay kuugu deeqay, dadaalkeediina aad la timid wax ku
kordhi. Kolba talada dhan u giraangiri,go’aanse ku soo koob socdaal dheer gal oo wax raaga oo
leh milgo iyo maamuss aqoon baa u sareysee iyadaba raadso.

Qalinkaa wax suureeya
Kugu sima halkaad doonto
Saaxiib kal furan weeye
Sunto fara ku hayntiisa
Weligaa ha sii deynin.

Sirta Nolosha, Abwaan Maxamed Warsame Hadraawi
Hayaan uu ka bilaabey Sweden ayuu u xadhko xidhay, reerkii salaam gobeed iyo niyad wanaag
kula dardaaran. Muddo dhawr toban saacadood ayuu hawada ku dhex jirey si uu u gaadho
goobtii yoolku ahaa, ee reerka lagu furayey. Maalmo nasasho ka dib ayuu gudaha u soo galay
xafiiskii ardeyda ajnabiga ah laga diiwangeliyo ee University of California San Francisco.
Hawshii markii ay isku dubadhacdey ee uu ka mid noqdey ardeyda jaamicadaa ayaa teleofoon
uga imanayaa dal kale oo ku riixey inuu qaato go’aan ka duwan kuu wadankan Maraykanka u
yimid.
Waa intaad wax baraneyso xilligan maad iska xoogsi tagtid oo aynu wada hawlgalno. Talo
haddana ku soo ururi go’aankan danbe oo boqno gooyey waxbarashadii uu u soo hayaamey,
maaha markii koowaad iyo labaad. Waa ayaandarada ay leedahay ee laga dhaxley dawladii Ina
Siyaad Barre oo lagu tilmaamo inuu ahaa ayax tag eelna reeb. Waxaase ay tahay arinta xanuunka
badan inuu hawlgalkaa waxbarasho hawshii loo boqno gooyey ay dhaqaale badan soo hoysay oo
ilaa iminka baadigoobkeedii lagu jiro.
Daal badanaa, werwer badanaa, hase yeeshee waayeel Xasan Maygaag ayaa weedh kaga tagey
lagu naalooday “Adeer qalad maad samayn ee anba hebel waan aammini lahaa ee naftaada ha
cunin oo waanigaa Midhiqna la hadlee ka seexo.”
Gunaanad:
Waa buug ka duwan buugaagta ku saabsan waayaha nololeed ee ku xeeran qofka. Waxaana
keensaneysa inuu ka duwanaado kuwa la ujeedada ah inuu u qoran yahay si furfurnaan badani
ka muuqato oo ay weheliso daahfurnaan aan loo baran.Waa dhab ka hadal buug ku salaysan.
Markaasaa marmar is odhaneysaa Alla halkaa muu ka daayo, haddana dareenkaa ku leh sawkii
kuu soo afeeftay ee magac yaraha kuugu suntay “hayaankii noloshayda”. Sidaa darteed ayaad
nafta ku habeysaa runtuu indhaha kaa saaree waa ku sidee sawdigii balan qaadey inaad dulqaad
yeelan doonto.
Wargelin:
Bisha Oktoobar 2dii ( fiidka Jimcaha ee Sabtidu soo galayso) ayaa Hudheelka Green Plaza eek
u yaala magaalo madaxda dalka Soomaaliland ee Hargeysa lagu soo bandhigi doonaa, haddii
Illaahay ogolaado.Wixii faahfaahin ah ee loo baahdana waxaa laga heli karaa Hiilpress,
Hargeisa.
Afeef:
Iimey suurtogelin inaan arko buugga oo daabacan ama intii aanu daabacaada gelin.
Wuxuuse buuggaasi uu qoraagu u hibeeyey inuu ka mid noqdo qolka kaydka Mareegaha
Farshaxan bishii Ogoosto 3dii, 2020, ayna ii suurtogashey inaan sidaa ku akhriyo.

 

Waraysi halkan hoose ka dhagayso.

http://www.radiohormuud.dk/node/6329

Gorfeyntii iyo tifatirkii:
Fu’aad Sh.
Bahda Mareegaha Farshaxan
www.farshaxan.com iyo www.farshaxan.org

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker