30 sano iyo Baadi goobkii aqoonsiga Somaliland: (30 sanadood baan ka mid ahaa,inta baadi goobaysa aqoonsi buuxa oo Somaliland hesho,welina ma hayo, waayo ?)

Qaybtii 1aad

 

Mudo 30 sano ah ayaa ii dhamaatay intii aan ka mid ahaa shaqsiyaadka ka qayb qaadanayey  baadigoobka aqoonsiga Somaliland,mar waxaan ka mid ahaa Qurba jooga amase Jaaliyadaha ku nool Yurub ee habeen iyo maalinba u taagan ka midho dhalinta aqoonsiga Somaliland,marka waxaan ka mid ahaa ahaa howl wadeenada Wasaradda Arimaha Dibadda ee Somaliland,mudo 4 sanood ahna waxaan ahaa Danjiraha u fadhiya Somaliland dalweynaha Shiinaha(China),intaaba waxan raadinayey keli  ahaan iyo wadar ahaanba in Somaliland noqoto dal la aqoonsan yahay oo ka mid noqda caalamka, waxna la qaybsada,weli ma hayo aqoonsigii aan mudadaa dheer daba socda waayo?. 

 

Waxaan halkan ku soo bandhigi doonaa  qoraalo,taxane ah oo aan kaga hadlayo,30 sanadood ee aan  ka mid ahaa  Dowladda iyo shaqsiyaadkii ku mashquulsanaa baadi goobka  aqoonsi  Somaliland hesho. 

 

Suaalo badan,ayaa u baahan in jawaab cad loo lehi,marka laga hadlayo aqoonsiga Somaliland,kuwa ugu muhiimsana waxaa  ka mid ah:- 

  

  1. 30 sanadood,waa maxay sababta hal(1) dal oo dunida ka mid ahi inoo aqoonsan waayey mudadaa dheer?. 
  2. Waa maxay caqabadaha hortaagan aqoonsiga Somaliland mudadaa dheer? 
  3. Sax ma tahay dariiqa amase sida aynu aqoonsiga  u raadinaynay  Dowlad ahaan iyo Shacab ahaanba mudadadaa 30 sanadood ah?. 
  4. Ma dejisan yahay,diyaar ma yahay  qorshe loo raaco,oo ku iftiiminaya,aqoonsiga aad doonayso,halka laga doonayo,iyo welib cidii ku dooni lahayd? 
  5. Qiimeyn marna ma lagu sameeyey sababto 30 sanadood aqoonsi loo heli waayey ? 

Sualahaas iyo qaar kale oo badan,oo aniga iyo adigaba Maskaxdeena ka guuxaya,waxay u baahan yihiin in jawaab loo helo,Ogoowna wax kastaa sabab bay leeyihiin, 30 sanadood in  aqoonsi buuxa aanay Somaliland helin,wuxuun baa u sabab ah,in aad sababta toos u beegsato iyo in aad is diidsiiso adiga ayaa goonka iska leh. 

  

Hadal iyo dhamaan qoraaladan waxaan si guud ugu eegi doonaa arimaha aan isleeyahay waxay sabab u noqon karaan in Somaliland 30 sanadood baadi goob  ugu jirto sidii ay aqoonsi buuxa uga heli lahayd Caalamkan aynu ku nool nahay ,kana mid nahay. 

 

 

 

La soco qaybta 2aad ..Magaca Somaliland

 

 

 

 

ALLAA.              MAHAD.    LEH 

 

 

 

Danjire: Abdi M.Saleiman(Mingiste)

 abdi_saleiman@hotmail.com

 fb. Abdi Saleiman.

Twitter:  @_saleiman. 

Skype: abdisaleiman1 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker