Dad Caan Ah Oo Joojinaya Isticmaalka Facebook Iyo Instagram 24 Saacadood

Fanaanadda caanka ah ee lagu magacaabo Kim Kardashian West iyo toboneeyo kale oo ah dad caan ah ayaa ku dhawaqay inay joojinayaan isticmaalka cinwaanadooda baraha bulshada taasi oo ay uga cabanayaan faafidda ” naceybka, borabagaandada iyo wararka beenabuurka ah “waxaa sidaasi bayaan ay soo saartay ku sheegtay Kardashian West.

 

 

Tallaabadani ayaa qeyb ka ah ololaha Jooji naceybka oo ay soo qabanqaabiyeen dadka u ololeeya arrimaha bulshada.

Dadkan caanka ah oo ay ka mid yihiin fanaaniinta iyo jilaayaasha ayaa isticmaalka baraha bulshada joojin doona muddo 24 saacadood ah maanta oo Arbaca ah.

 

 

“Iskama fadhiyi karo oo kama aamusi karo iyada oo shirkadaha baraha bulslahad ay aqbalayaan faafinta naceyb iyo warar been abuur ah,” ayay tiri fanaanada Kardashian West.

“Wararka been abuurka ah ee lagu daabaco baraha bulshada waxay saameyn ku yeelanayaan doorashooyiinkeena islamarkana waxay minjaxabinayan dimuqraadiyadeena,” ayay intaa ku dartay.

 

 

 

Dadka kale ee caanka ah ee aqbalay inay ka qeyb qaataan qaadacaadan ayaa waxaa ka mid ah jilaayaasha kala ah Leonardo DiCaprio, Sacha Baron Cohen iyo Jennifer Lawrence, iyo sidoo kale fanaanada Katy Perry.

 

 

“Iskama fadhin karo iyada oo barahani bulshada ay iska indha tirayaan kooxaha iyo qoraalada fidinaya naceybka iyo wararka been abuurka ah,” waxaa sidaasi barteeda Instagram ku qortay Perry.

Jilaaga Ashton Kutcher, oo ay ku xiran yihiin malaayiin qof ayaa sidoo kale ka qeyb qaadanaya joojinta isticmaalka baraha bulshada isaga oo sheegay “Aaladahan looma dhisin in naceyb iyo rabshado lagu faafiyo “.

 

Ololaha jooji naceybka oo xadhigga laga jaray bishii June, ayaa  ku eedeeynayaa shirkadaha Facebook iyo Instagram in aysan wax ka qaban khudbadaha naceybka iyo wararka been abuurka ah ee lagu faafinayo barahani bulshada.

 

 

Shirkadda Facebook iyo shirkadda Instagram oo uu isla hal shaqsi leeyahay ayaa waxaa dhaqaala badan ka soo galaa xayiisiinada.

Sanadkii anau soo dhaafnay ayaa la sheegay in labadani shirkadooda ay heleen dakhli dhan a $70bilyan.

Madaxda shirkada Facebook ayaa waxaa ay dhankooda marar badan balanqaadeen inay wax ka qaban doonaan hadalada naceybka ah iyo wararka been abuurka ee bartaasi lagu baahiyo.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker