Israel, Bahrain iyo Imaaraadka oo heshiis taariikhi ah gaaray

Dawladda Israa’iil ayaa heshiis taariikhi ah la sexiixatay waddamada Carabta ee kala ah Imaaraatka Carabta iyo Baxrayn.

Heshiiskan ayaa lagu saxiixay Aalka Cad ee looga taliyo Maraykanka. Heshiiskan taariikhiga ah ayaa loogu magacdaray “Arbaham Accord”.

 

Heshiiskan waxaa dhexdhexaadintiisa lahaa madaxweynaha Maraykanka Donald Trump oo ku dhowaaqay labada heshiis muddo bil ah gudaheed.

Waddamada Imaaraadka iyo Baxrayn ayaa noqonaya labadii waddan ee ugu horreeyey ee heshiis nabadeed la gaara Israa’iil muddo tobannaan sano ah. Waxaa horey heshiis uu u dhexyaallay waddamada Israa’iil iyo Masar oo heshiis gaaray sannadkii 1979-kii, halka waddamada Israa’iil iyo Urdun ay iyaguna heshiis gaareen sannadkii 1994-kii.

 

Madaxweyne Trump ayaa sheegay in shan ama lix waddan oo kale ay doonayaan inay heshiis nabadeed la gaadhaan Israa’iil.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker