Qisada Sheeko Dhab Ah Oo Ugu Dambeyn Horseeday Qoys Dhisan

Waxa Ay Jaariyad U Noqotay Si Ay Xabsiga Ugu Quudiso Wiil Ay Jeclayd

Waxa uu ka dambeeyaa albaabada birta ah ee xabsi aad loo ilaaliyo , waxaana uu tiriyaa maalmaha xukunkiisa oo ku dhawaa kun dharaarood , waa niyad jabaa marka uu xisaabiyo wakhti fogaaday , oo mararka qaar xaalad rejo beel ah ku rida qalbigiisa .

Waxa uu is weydiiyay, waxa loo haysto ee xukunka looga riday , waxa uu ku tilmaamaya isaga qamuunyeysan in cadaalad daro lagula kacay, oo waxa uu aaminay odhaadii ahayd “ Miskiin baa misko la fuulo le”. Mar kale waxa canaantaa naftiisa oo ku eedeeyay in faraha la gashay dhibka xabsiga u horseeday , maalinkasta su’aalo aan dhammaad lahayn ayuu is weydiiyaa gabalka ayaa dhaca haddana waaga ayaa barya .

Waa nin aad u degan oo aan dadka dhexgelin , mana jecla in sheekooyinkiisa uu la wadaago maxaabiista oo jaallka la noqday oo qaarkood loo haysto dambiyo culus xataa qaar ka mida dad ayey qudha ka jareen , kuwa kalena waxa ay kufsadeen hablo ay u damceen si axmaqnimo ah . Maalin dambe ayuu wakhti la qaatay nin odey ahaa oo lacagta deyn oo uu bixin kari waayay xukun loogu riday , waxa uu ahaa nin wakhtgu i ciilay ,laakiin dhaqan wanaagsan waayo aragna ah .

Waxa la wadaagay sheekooyin aan maqalkoodu wanaagsan oo ku saabsan qaabkii ay xabsi ku soo galeen iyo sida maxkamaduhu u xukumeen iyo weliba dadka dacweeyay oo godob ka tirsanayaan , waxa isla qaateen in ay samraan oo ay xukunka dhammaystaan Allena u cibaadaystaan kuwii ciilana ay saamaxaan marka ay soo baxaan .

Iyada oo Cismaan ku digriyo habeen iyo maalinba xabsiga darbiyadiisa iyo albaabadiisa la moodo in uu yahay in meel lagaga gabanayo Qunbulado Nukliyeer ah, ayaa waxa noloshiisu waxa baadi goobaysa gashaanti beri ay Telefoon ku kala qorteen deegaan miyi ah oo magaalada la deris ah .

Waxa ku dhibcay jacayl ku soo maaxday oo ay u qaaday nin ay beri hore la kulantay,laakiin aanay aqoon halka ku sugan yahay imika , waxa u diwaangashan number-ka Telefoonkiisa , dhar maalmood ayaa Telefoonka la iska salaamay si caadi , balse markan inanta muxubada saaqday waxa ay wacdaa Telefoon xidhan maalin iyo habeenba .

Ma garan karto in uu wiilka ay caashaqsantay dalka ka haajiray , in uu xijaabtay iyo in uu ku jiro qol madow oo loo qoondeeyay in uu kali ku ahaado kun habeen , waxa ay soo gashay Hargeysa xaafadii uu deganaa ayey ka haybisay waxay raadisaba waxa ay timi gurigii uu ku noolaa , oo markaa waxa joogta gabadh ay walaalo yihiin ,laakiin degan guri kale oo lagu qabo .

Waxa ay weydiisay bal in uu noolyey Cismaan oo ay ugu war dambaysay sannad ka hor , mar ay Telefoonka ka wada hadleen , gabadha oo la yaaban , ayaa weydiisay waxa soo galay maxbuuska xabsigu hoyga u yahay , laakiin waxa ay u sheegtay in uu ka dhexeeyay xidhiidh hasaawe .

Nuura loo sheeg in uu xabsiga ku jira oo lagu xukumay saddex sanno iyo dheeraad , muddo sannad ahna uu ku noolyey xoriyad l la’aan , inta ay ilinta isku celisay ayey tidhi “ Maxaa lagu xidhay , waxa uu ahaa qof wanaagsan oo shididad neceb ? “ mooyi ee tii Alle u daa .

Waxa la is wareystay Cismaan walaashii oo la yidhaahdo Khadra , cabaar ka dib Nuura waxa ay codsatay Khadra in ay la joogto oo ay guriga uga shaqayso, taasi badelkeedana la siiyo cunto ay saddexda u gayso Cismaan iyo lacagta ay Baska ku raacayso maalin walba . Markaa waxa ay ilowsantay in qofka ay la hadlaysaa wiilka walaashii tahay ,

Khadra ayaa markan ilmada ilmo indhaheeda ka burqatay , waxaana ay la yaabtay gabadha walaalkeeda sidan naf hurista uga samaynaysa iyo jacaylkani iftiinka iyo godka madow u dhexeeya.

Goor barqo ah , ayaa Cismaan loo sheegay in qof ehelkiisa ahi doonayo in uu arko, waa maalinta maxaabiista ku jirta xabsiga loo ogol yahay in ay arki karaan ehelkooda iyo asxaabtoodu , waxa uu isha ku dhuftay gabadh ay muuqeeda mar hore ugu dambaysay , intii uu soo socday kolba wuu ka shakiyaa in ay iyadii tahay iyo in kale, ugu dambeyn aqoonsay .

Markii la isa salaamay la iskuna fiiriyey indho kalgacal oo ilmo ku joogto , ka dib waxa uu ku yidhi “ Yaa kuu sheegay in aan halkan ku jiro ?” u warantay waxaana ay u sheegtay sida ay ku ogaatay in ay noqotay Jaariyada u adeegta walaashii Khadra , sidaana ay u yeeshay si ay isaga maalin walba cuntada ay samayso halkan ugu keento .

Markaa ay halkaa sheekadu mareyso , waaa is uu xejin kari waayay , waxa uu is yidhi madaxa ka dhunko , laakiin waxa uu ka gudbi kari waayay biraha adag ee u dhexeeyay , waa uu aamusay , isaga oo u qaadan la’a , waxa dhammaaday wakhtigii booqashada Nuura tagtay Cismaana qolkii lagu celi .

Maxkamada racfaanku, ayaa bilowday in ay dacwada dhawr maxbuus oo uu ka mid ahaa dib dib u eegto , xukub kale oo dhacay ka dib waxa laga khafiifiyey xukunkiii afarta sanno ku dhaweeyaa , oo markan laga dhigay sannad iyo siddeed bilood , maalintaasi waxa uu dareemay rejo ah in uu mar kale iftiinka dhadhamin doono , waxa farxay iyana oo warku gaadhay qoyskiisa oo og in uu dhawaan soo baxayo .

Maalmo ka hor bil Ramadaan , ayaa lagu sii daayey cafis , waxaana uu ka mid noqday maxaabiis xukunkoodu fud fudaa , oo markan la soo edbiyay jecelna in aanay mar dambe dambi iyo rabshad kale toona faraha la gelin , isaga oo sita xamaantiisa ayuu albaabka garaacay wax yar hor salaadii Duhur , waxa ka furtay hooyadii uu ku dheygagtay wiilkeeda oo aanay goob u wada hoyan sannad iyo afar bilood .

Hooyo Xaawa , waxa maalintii xigtay waxa samaysay Alle-bari , waxa la qalay xoolo , waxaana la isugu yeedhay guriga ehel, deris iyo asxaab si Alle looga mahad naqo , isla markaana lala farxo wiilkeeda qoyska dib ula midoobay .

Waxa guriga timi Nuura , oo iyada ay ula mid ahayd maalin dambigeeda aduun iyo kii aakhiraba laga dhaafay jannada looga bishaareeyay , mar ilmadaa tibiq leh marna waxa ay niyeysanaysaa aroos la gingimay , waa taa sawiratay iyada oo Cismaan afo u ah meel gaar ahna kula nool.

Markii wakhti la wada qaatay , lagana sheekaystay maalmihii xanuunka badnaa ee kala xayirnaa , waxa la isku raacay in Nuura Hargeysa joogto in muddo ah ka dibna Cismaan reerkooda weydiisto oo uu guursado , isaga oo maanka ku haya abaalkii naf qaybsiga ahaa ee gayeysiiyey in ay noqoto adeegto aan mushahar qaadan .

Waxa uu u baxay deegaan magaalada ka durugsan oo xaalaha lagu dhaqdo , isaga oo aan kaxaysan rag u raaca geed fadhiisiga , waxa uu casar liiq la kulmay odey gadh -cadaa ah oo reerkiisa duleedkiisa ku akhrisanayay kitaab Qur’aan ah waysana shaqlanina agtaal , la isa salaan una magaciisa iyo cida u yahay , Sheekh Jaamac soo dhawee kuna yidhi “ Adeer muraadkaa ?”

Cismaan oo xaajadana noocan ahi ku cusubtay , dhan kalena uu horjoogo humaaga ah Nuura oo uu mehersaday, ayaa galka seefta ka saaray oo si dhiirana odeyga u weydiistay gabadhiisa oo uu la waayay bilo ka hor,laakiin mar dambe la ogolaaday in ay Hargeysa joogto oo ay ka shaqaysato.

Sheekhu waxa uu ku yidhi “ Gabadha waa lagu siin ee rag reerkiina doono “ wuu niyad jabiyay fahana in uu dar jiidhay , waa uu soo laabtay maalin dambe ayuu dhawr odey iyo rag kale oo reerka ah soo uruueshay , waxaana loo kolanyeysatay dhanka tuullo Barwaaqo oo reerka gabadha laga doonayo deegaan u ahayd .

Gacanta la isu dhiib isla goobtii Nuura lagu meheri, oo noqotay xaaska ninkii ay jacaylkiisa u saahiday ee saymaha u martay , waxa la sameeyay aroos aan loo kala hadhin farxad iyo damaashaad lagu xaree reerka lagu unkay .

Waxa ay haystaan gabadh yar oo loogu magac daray Farxa , oo ayu diideen cirka iyo dhulka , kolba mid ayaa qaada , waxa ay eegaan qosolka ka soo baxaya afka aan ilkaha lahayn ee ciridkiisa dhareerka ka hoorayo .

 

WQ: Maxamed Boosh

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker