Naqdi Buugga Soomaaliga F. 4aad ee dugsiyada sare: Nuqulka Soo Baxay 2020. Qaybta 6aad. W/Q Siciid Gahayr

Qormadan u dambaysa naqdiga, waxa aan ku soo qaadan doonnaa gabay ayb-sooca dhiirrigelinya, ciwaannada soo noqnoqda, hees-hawleedda, astaamaynta iyo naxwaha, waana tan:

Buugga Afka Soomaaliga ee fasalka 4aad ee dugsiga sare waxa ku jira gabay ka hadlaya qiimaha geela. Bogga 39aad ayuu ku qoran yahay. Waxa ku jira in qofka aan geela lahayn loo eryado dadka la hayb-sooco.Magacyo badan ayaa faquuqa loo adeegsadaa sida: midgaan, yixir, boon, sab, inan-gumeed, laangaab iwm. Ereyga “Boon” oo ku jira tixdu waa erey ah lahjadda Koonfur laga adeegsado oo u dhigma midgaan. Haddii la yidhaahdo “Kaasi boon waaye” ama “Hebel habartiis boon waaye” waxa loola jeedaa “Waa midgaan” “hooyadii waa midgaan”

Meeriska 13aad oo taas sheegayaa; waa kan:

“Bahdaan dhaqannin sida boonta waa, layska buriyaaye”

Dulucdiisa haddii aan fasiro waxa ay noqonaysaa qofka aan xoolaha lahayn waxa la isaga eryaa/buriyaa sida midgaanka oo kale. Wuxuu noqonayaa in qofka aan geelaha lahayn uu u qiime-beelayo sida ummadda la takooray. Waa erey faquuq muujinaya iyo  inmidgaanku yahay wax la eryado, qofka caydha ahina la mid yahay midgaanka. Ardayda xitaa fasir lagama siinnin ereyga “boon” oo aan inta badan laga adeegsan deegaannada Somaliland.

Bal marka ay bareyaashu dhigayaan tuducaas/beydkaas sidee ayay u maldihi karaan ama u dedi karaan? Ma micne kale oo ereyga boontu leeyahay ayaa jira?

Bal cidda afka iiga aqoonta badani ha ii micnayso ujeeddada kale ee uu eryaagsi yeelan karo.

Haddii manhajkiba sidan yahay, maxaa loola yaabaa in shaqo loo diido macallin ka soo jeeda beelaha Gabooye oo lagu takooray Boorama ama in Madaxweynaha Somaliland yidhaahdo “Barkhadkii yaraa ee midgaanka ahaa ayaa halkan iga soo caaya habeen walba, oo aan xidhi kari la’ ahay”.

Wasaaradda waxbarashada iyo sayniska Somaliland waa inay dib ugu noqoto gabaygaas, oo ay eegto waxa loo faaf-reebi waayay, lala xisaabtamo qoreyaashii buugga, tifafireyaashii iyo ciddii dib-u-eegista ku samaysay buugaagta 2020ka intaba.

Ciwaanno isku mid ah ayaa ku jira curisyada fasallada 3aad iyo 4aad sida saymo ama saymo-gal, miyaanay ahayn in wax kala duwan ardayda la baro?

Casharrada Naxwaha gaar ahaan qaybaha hadalku waxa ay  ku qoran yihiin inta badan fasallada oo isku mid ah… Haddii marka aan ahay fasalka 5aad ee dugsiga dhexe illaa fasalka 4aad ee dugsiga sare la i baro qeexidda magaca iyo qaybihiisa maxaa ii kordhay ee cusub.

Waxa ay ahayd in lagu koobo laba fasal ama fasalkiiba lagu daro laba qaybood oo faahfsan sida

1. Magac………………………… Fasalka 1aad

2. Magac-u-yaal ………………………… Fasalka 1aad

3. Fal ………………………… Fasalka 2aad

4. Sifo ………………………… Fasalka 2aad

5. Xidhiidhiye ………………………… Fasalka 3aad

6. Meeleeye ………………………… Fasalka 3aad

Halkaasna laga sii wado………………….

Halkii ay in magaca lagu bilaabo fasalka kowaad ayaa falka lagu bilaabay.  Fasalka 4aad nakhtiin guud oo aan lagu dhammayn ayaa muqarrarka ku jira.

Waxa sidoo kale fasallada ku soo noqnoqda warqad-qorista iyo astaamaynta, waana cilmi loo baahan yahay… Laakiin waa astaamayn aan lagu adeegsan buugga qudhiisa, markaas kama duwana nin sigaar cabbaya oo meel ku dhejiya “Ha ku cabbina”

Hees-hawleedka

Fasalka 4aad waxa muqarrarku dhigayaa in lagu daro hees-hawleedyo khuseeya abbaarahan

Kalluunka

Beeyada iyo fooxa

Beeraha

Dibida

Hadhuudhka

Qalabka qodaalka

26 bog oo buugga ka mid ah waxa lagu qoray hees-hawleed… 4 ka mid ah ayaa ku fadhiya tilmaantii muqarrarka, 22ka kale waxa ay soo celinayaan casharradii ku jiray fasalladii 1aad iyo 2aad. Taas micnaheedu waa in 80% ay ugu jiraan xiisaha, rabitaanka iyo dookha qorayaaga. Waxa nagu adag in aanu dhigno 26 bog oo 4 sharcigu oggol yahay. Ninkii fasalka kowaad qorayay ayuun baa kan afraadna copy and paste yidhi hees-hawlkeeda.

Guud ahaanna hab-qoraalka, xogta iyo astaamaynta buugga ka muuqataa waa mid aad u tayo liidata. Aniga oo koobayay ayaan hal fasal ka sameeyay naqdi ah lix buug.

 

Siciid Maxamuud Gahayr

siciidgahayr@gmail.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker