BURBURKII QOYSKEENA KADIB, WAXAAN SHAQAALE U NOQDAY AAYO AAN NAXARIISAN!!!!

Waxaan ku noolaa nolol aad u fiican, waxaan jeclaa noloshii aan la qaadanayay hooyadey iyo aabahay oo ahaa kuwo aad ii jeclaa, waxaanse la kulmay in xiriirkoodu hoos u dhacay, maadaama ay hooyadey masayr badnayd, aabahayna uu ahaa nin guur badan, kadib markii aan gaaray 9 jir, waxay hooyaday go’aansatay inay ka tagto gurigeenii, oo ay ii kaxaysatay gurigii ayeeyo.

waxaa muddo laga shaqeynayay sidii qoyska loo mideyn lahaa, laakiin hooyaday waxay istaagtay meel adag, taas oo keentay inay anigana la isiiyo aabahay, waxaan bilaabay inaan la noolaado aabahay, bil gudaheed aabbe wuxuu guursaday gabar, waxaana noloshii la bilaabay gabadhii aayada ii ahayd, bilihii hore wax dhib ah kama dareemin, laakiin waxaa hooyaday laga ilaalin jiray inay iga xado guriga, sidaas darteed ayaa nacayb loo qaaday hooyaday, waxaana la igu oran jiray hadalo la iiga goynayo hooyaday!
markii aan gaaray 12 sano, waxay aayaday iga saartay waxbarashadii, waxayna iiga dhigatay shaqaale, iyadoo mararka qaarkood waxay iga kicin jirtay hurdada 04:00 aroornimo.
markii aan dhaqida dharka dhameeyo, waxay biyo ku shubtaa daarada, iyadoo leh, wili nadiif maahan, waa inaad si fiican u nadiifisaa, hadii aan aabahay u dacwoodo, meeshii uu ila fahmi lahaa dhibkeyga, ayuu bilaabaa inuu icanaanto, oo iigu hanjabo dhibaato kale.
noloshaas markii aan ku jiray muddo 5 sano ah, waxaan isku arkay xanuuno badan, waxaan iska ooyaa aniga oo aan cidna ila hadlin, waxaan ku fakari jiray inaan gurigan ka cararo, aabbe wuxuu ka cabsaday inaan fakado, markaas ayuu ii ogolaaday inaan hooyaday u wareego, hooyo xaas bay noqotay, laakiin waxay ii noqotay fursad fiican, maxaa yeelay ma awoodin inaan cidna la soo xiriiro.
markii aan hooyo u wareegay xanuunkii wuu igu sii batay, oohin badan, iyo hurdo xumo,
waxaa ii dheer dulqaad la’aan iyo niyadjab, waxaan is arkay anigoon waxba baran,
hooyaday uma sheegin dhibkii igaaray, waxay igu bilowday inay Quraan igu akhriso, hase yeeshee waxba iska aysan badelin, waxaan doonayaa nolol fiican iyo farxad, hadii aan caqabadii Allah iga soo gudbiyey, soo ma ahayn inaan nolosha cusub la qabsado, fadlan icaawiya, waxaan codsanayaa in arinteyda lagu soo daabaco Page-ka internetka.

JAWAABTA LATALIYAHA
waxaan marka hore kaaga mahadcelinayaa kalsoonidaada, waxaan akhrinayay arintaada anigoo murugoonaya, waxaan kula dareemayaa dhibka aad soo martay, waxaad moodaa in dhibkaaga ka dareemayso in dunidan tahay meel imtixaan oo kale ah, waxaan rajaynayaa inaad ka gudbi doontid dhibkii ku gaaray.
inta aanan talooyin kuu qorin, waxaan rabaa inaan xusuusiyo aabayaal iyo hooyooyin badan oo goostay inay kala tagaan, in caruurtoodu u baahan yihiin caawin, si kasta oo aad isu fahmi waydaan, caruurtu waa mid idinka dhaxaysa, oo qof walba oo waalid ah masuuliyad ka saaran tahay, hadii aad dayacdaan oo dhibka laga ilaalin, waxaa hubaal ah in khasaarahoodu idin gaarayo.
gabadha aayadaa ah ee ay duruuftu kuu keentayna waxaan xusuusinayaa, in qofwalba wuxuu galay laga goynayo, waxaa dulmiga ugu xun, midka laga galo qof aad masuul ka tahay, oo aan iska kaa difaaci karin, hadii aadan wanaag u samayna mid ka daran ayaa ku sugaysa inta noloshan lagu jiro, ama kadib nolosha adduun.
ilmaha ay dhashay hooyo dhimatay ama dheeraatay wuxuu qabaa (LOSS) wax weyn ayaa ka maqan, hadii maqnaanshihii loogu badeli waayo naxariis, wuxuu noqdaa qof aan caadi ahayn, bulshadana aan waxba ku soo kordhin karin.
hadaba adeer, waxaan kugula talinayaa arimahaan:-

  1. inaan dejiso naftaada, maadaama aad ka soo tagtay qofkii ku dhibayay, waxay ahayd nolol aad soo qaadatay, xanuun badana kala kulantay.
  2. inaad hooyadaa la wadaagto dhibkii ku dhacay, oo aad ka sheekeyso mashaakilkii aad soo martay.
  3. inaad ogaato in waxa aad soo martay ahayd imtixaan, kana soo gudubtay, qofka la dhibaateeyo oo sabra, wuxuu gaaray guul.
  4. waxba dib ha ugu noqon wixii kusoo maray, bilow nolol cusub, waxbarashadaada iyo noloshaada kale.
  5. ogow in Allah kuugu kaalmeyn doono siduu uu kuugu kaalmeeyey markii hore, kuna kalsoonow inaad isbedelo fiican ku arki doontid noloshaada, waa hadii aad qaadato talooyinka.
  6. waa inaad imaato xarunta latalinta, si aad u qaadato talooyin badan, loona qiyaaso xaalada caafimaad ahaaneed.

 

ALMOSTASHAR JAMALUDIN CAWKE

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker