Beelaha Darafyadda Allaah(Swt) Mooyaanee Uma Baahna Beelaha Isaaqa !!!.

Beelaha Darafyadda Ee Kala Ah Ciise, Samaroon, Gabooye, Habar Gidir, Dhulbahante , Warsangeli , Gahayle, Jibraahiil, Iyo Beelo Yar Yar Oo Badan Habba Ugu Badnaadaan Beelaha Ciise, Samaroon, Gabooye, Dhulbahante Iyo Warsangeli Oo Ah Aqlabiyadda Ama Awooda Koowaad Ee Ku Soo Xigta Beelaha Isaaqa.
Waxaa Ayaan Daro Aad U Wayn, Liidnimo Iyo Doqonimo Ah Beelaha Darafyadda Oo Degan Dhul Iyo Xeeb Aad U Mihiim Ah Oo Xuduud La Leh Wadamadda Jabuuti, Itoobiya , Yemen Iyo Soomaaliya In Xuquuqdooda Sharciga U Leeyihiin La Dudsiiyo Oo Laga Dhigo Dad Aan Loo Baahnayn Haddii Ay Noqoto Xilalka Ugu Mihiimsan Xukuumadda , Golaha Barlamaanka, Golaha Garsoorka, Taliyayaasha Ciidamadda Sida Taliyaha Milateriga, Hogaanada Ciidamadda, Saraakiisha, Deeqaha Waxbarasho Ee Dibadda Ciidamadda, Ardayda Dugsiyadda Sare Ka Baxda, Deegaamadooda Oo Laga Qabto Asaaska Bulshadda Sida Biyaha, Caafimaadka, Waxbarashadda, Xoolo Dhaqatada, Beeraha, Kaluumaysiga, Wadooyinka.
Beelaha Darafyadda Xakhooda Markay Dhacsanayaan Ha Noqoto Saami Qabsiga Xildhibaanadda Wakiiladda, Dawladaha Hoose Waa Inaanay Beelaha Isaaqa Kuwooda Wax Magartada Ah Ama Fudaydku Ku Jiro Aanay Ka Daba Badhaacin Beelaha Xakhooda Ka Dhacsanaya Xukuumadda Madaxwayne Muuse Biixi Oo Aanay Ku Badhaacin Beelaha Darafyaddu Somaliland Ayay Ka Soo Horjeedaan, Ama Aqoonsiga Somaliland Ayay Diidan Yihiin Ama Waxay Doonayaan Inaanay Doorasho Dhicin Oo Golayaasha Iska Fadhiyaan .
Caqliga Caafimaadka Qabaa Marka Beel, Ama Beelo, Ama Shaqsi Ama Koox, Cadaalad Daro Ka Dirsanayaan Xukuumadooda Ama Xisbigooda, Ama Golaha Barlamaanka, Ama Taliye Ciidam, Ama Wasiir, Waa Inaanay Dadka Caqligoodu Ku Filnayn Markiiba Loo Adeegsan Tv-yadda Si Ay Ugu Jawaabaan Beelaha Ehlu Karamka Ah Ee Inaga Mudan Sharaf, Ixtiraam, Qadarin, Xushmad, Oo Aynu Nahay Dad Walaalo Ah Oo Aabe Iyo Hooyo Wada Dhaleen, Oo Isku Diin Ah, Oo Wadaaga Dhiig, Dhalasho, Deegaan Iyo Wadan.
Xukuumadda Madaxwayne Muuse Biixi Waxaan Kula Talinayaa Inaaanay Fudaydsanin Beelaha Darafyadda Oo Tabashadooda Sida Ugu Dhaqsaha Badan Loo Dhameeyo
 Insha Allaah.
Saxafi Madax Banaan Qoraa Ahna Murashaxa Mustaqbalka Golaha Wakiiladda Jamhuuriyadda Somaliland Insha Allaah.
Mudane Axmed-Sakatuuri Aadam Cadhood
Hargaysa Somaliland.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker