Abuukar Cawaale (QAAD-DIID) Somalida Australia ayaa gurmad ka rabta.

Waxaa aad looga wada dheregsanyahay guushii uu ka gaadhey Abuukar Cawaale oo loo yaqaan QAAD-DIID halgankii uu u galey inuu waddanka ingiriiska ka joojiyo qaadka isagoo olole uu muddo wadey ilaahay ku guuleeyey in ummaddaha Somalida, Afrikada kale iyo dadyowga kale ee qaadka ku cuni jirey UK maanta ku naalloonayaan farxad iyo caafimaad iyo dhaqaale kororba.
Haddaba dhibaatadii qaadku waxay ka jirtaa waddamo kale oo Soomaalidu joogto taasoo la odhan karo waa markii uu Abuukar cawaale u gurman lahaa.
Tusaale ahaan waddanka Australia dhib weyn ayuu ku hayaa qaadku dadka soomaaliyeed kaasoo ay ka mid tahay Family violence ( Dhibaatooyin qoyseed) sida i furriinkii oo batey, dhaqaalihii qoysaska la siinayey oo uu dhib weyn ku hayo iyo dhibtii uu soomaalida waddankii joogta ku hayey mid la mid ah oo halkaas ka jirta.
Sidaas darteed Somalida ku dhaqan Australia waxay u baaqaeysaa oo gurmad ka dooneysaa inuu halgamahaa soomaaliyeed usoo gurmado.
Haddii ingiriiska ay muddo ku qaadatey in la joojiyo halkan Already sharciga Australia wuu diiddanyahay 80% sidaas darted halgame Abuukar Cawaale Qaad-diid muddo kooban ayay insha-allaah ku qaadaneysaa inuu guul taariikhi ah ka gaaro.

 

Xasan Ahmed H.Adam

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker