Wargeyska DAILY TELEGRAPH oo Soo Bandhigay Xaqiiqada ka dambaysa Cabsida Shiinuhu ka muujiyey Xidhiidhka Taiwan iyo Somaliland

“Xidhiidhka curdinka ah ee u furmay Xukuumadaha Taipei iyo Hargeysa, waxa si adag uga soo horjeestay Soomaaliya iyo Shiinaha oo ku heshiiyey inay si wada-jir ah u sameeyaan Ciidamo ilaaliyaha biyaha badda.

Waxaa laga yaabaa inay loolan hor leh ka dhex dhaliso quwadaha militari ee caalamka isla markaana ay timaaddo in laysku adeegsado awoodo diblomaasiyadeed iyo mid dhaqaale, laakiin Is-bahaysiga dibloomaasiyadeed ee u furmay labadan waddan ee Dimuqraadiga ahi, waxa ay ku kalliftay dalka Shiinaha inuu Is-difaac galo, sidaa waxa lagu bilaabay warbixin uu Wargeyska ugu Afka dheerka dalka Ingiriiska ee Telegraph ka diyaariyey xidhiidhka dibloomaasiyadeed ee u furmay Somaliland iyo Taiwan iyo Saamaynta siyaasadeed ee ka dhalatay.

Sida warbixinta lagu sheegay, Xidhiidhka sii kordhaya ee u dhexeeya Taiwan iyo Somaliland ayaa kiciyay weerar diblomaasiyadeed oo waali ah oo kaga yimaada dhinaca Beijing, waxaana lagu soo waramayaa inay arrintani ku riixday Shiinaha inuu sare u qaaddo rejada ah wada-shaqayn ay ilaalada maraakiibta Shiinaha iyo Soomaaliya ka sameeyaan biyaha ku xeeran mandaqadda Geeska Afrika ee Istaraatajiyadda u ah Isu-socodka adduunka.

Warbixinta oo afka Soomaaliga ay u soo tarjumeen wariyeyaal ka tirsan Shabakadda Wararka ee CodkaHargeysa.net, waxa lagu yidhi, “Somaliland oo ah dal aan wali la aqoonsan oo ku yaalla Geeska Afrika, waxa maalinta Arbaca ah u qorshaysan inay xafiis dibloomasiyadeed ka furato Taiwan oo dhawaan xafiis la mid ah ka furatay magaalada Hargeisa, iyadoo tallaabadani suurtogelinayso in labadan waddanba midka kale u aqoonsaday waddan madax-bannaan,” ayaa warbixintu sheegtay.

 

WARBIXINTA OO DHAMMEYSTIRAN KA AKHRISO oo Guji HALKAN

Oodweynenews.com

Hargeysa/Somaliland

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker