Mareykanka oo Bayaan ka soo saartay Xaalada Siyaasadeed ee Somalia ,Gaar ahaan Shirka Dhuuso mareeb

Muqdisho (OWN) – Dowladda Mareykanka ayaa qoraal cusub kasoo saartay xaaladda siyaasadda Soomaaliya, gaar ahaan shirka Dhuusamareeb 3 iyo doorashooyinka la filayo inay dalka ka dhacaan.

 

Qoraal kooban oo safaaradda Mareykank ay soo dhigtay barteeda twitter-ka ayey ku sheegtay inay si aad ah u sugeyso natiijada shirka saddexaad ee Dhuusamareeb, inkasta oo ay jirto cabsi la xiriirta inay u eg tahay in shirka uusan qabsoomi doonin waqtiigii loogu talo-galay oo ah 15-ka bishan

Dowladda Mareykanka waxay sidoo kale dalbatay in doorashada Soomaaliya ay waqtigeeda ku dhacdo, islamarkaana aan la sameyn wax muddo kordhin ah.

 

“Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya waxay si aad ah u sugeysaa natiijada shirka Dhuusamareeb 3. Baahida loo qabo wada-tashi ballaaran iyo isu-tanaasul dhab ah waa muhiim. Hanaanka doorashada waa inuu noqdaa mid ay saldhig u tahay taageerada guud ee dowladda federaalka, dowladaha xubnaha ka ah, iyo saamileyda kale ee siyaasadda dalka. Doorasho waqtigeeda ku dhacda, muddo kororsi la’aan,” ayaa lagu yiri qor

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker